3114 Views

Saraakiil loo xiray weerarkii Laanta Buuro

Saraakiil loo xiray weerarkii Laanta Buuro
____________________________________________________________________________

Muqdisho,23 March 2016: Warar xod ah oo soo baxay ayaa sheegaya in Saraakiil dhowr ah loo xiray weerarkii Isniintii la soo dhaafay Al-Shabaab ku qaadeen Xerada Laanta-Buuro oo saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka.

Maxamed Shiine oo horay u ahaa Afhayeenkii Maamulka Shabeellaha Hoose, haatana ka mid ah saraakiisha Maamulka gobolkaas ayaa sheegay in Saraakiil dhowr ah wax laga weydiinayo weerarkaas, isla markaana uu hada socdo baaritaan.

“Weerarkii Laanta Buuro ee gaadiid dagaal iyo saanada milateri lagu qabsaday waxaa ku socda baaritaan, saraakiisha meesha joogtay ayaa loo yeeray, oo wax laga weydiinayaa, waana xiran yihiin hada”ayuu yiri Maxamed Shiine.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Taliye kuxigeenkii Ciidamada ku sugnaa xeradaas uu ku jiro saraakiisha xiran, isla markaana su’aalo la weydiinayo.

Maxamed Shiine, ayaa sheegay in dagaalka Laanta Buuro uu ka duwanaa dagaaladii hore, isla markaana dagaal haduu dhaco ay caadi tahay in rasaas la is weydaarsado.

“Dagaal haduu dhaco xabad ayaa la is weydaarsadaa ama anaga aan qaadno waa wax iska caadi ah oo dhici jiray, marka taas waa ka duwaneyd wixii dhici jiray”ayuu yiri Afhayeenkii hore ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa weerarkaas maalin ka hor ku qaaday Xerada Laanta Buuro kula wareegtay illaa sagaal gaari oo todobo ka mid ah ay ahaayeen gaadiid dagaal iyo saanad hub ah.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment