3387 Views

Shirka Qorsheynta Aayaha Qaranka oo ka furmaya Cadaado

Shirka Qorsheynta Aayaha Qaranka oo ka furmaya Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho,23 March 2016: Shir wayn oo looga hadlayo Qorshaha Qaranka ayaa maanta ka furmidoona Magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka Galgaduud iyadoo ay ka qeyb galayaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Gobolldeedka Galmudug, Ururrada bulshada Rayidka iyo Madax ka socota Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Arrimaha ugu waaweyn ee shirkan looga hadlayo, waxaa ka mid ah Qorsheynta Adeegyada Aas Aasiga ah Sida Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga, Dhaqaalaha Dhismaha Waddooyinka iyo Arrimo kale sida uu sheegay Aqoon Yahan  Cilmi Nuurre oo ka mid ah xubnaha ka qeyb galaya.

Waqtiyadi dambe Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay wadday kulamo wadatashi ah oo looga hadlayay Qorsheynta Aayaha Qaran taas oo saldhig u ah Hore u socodka Hanaanka Dowladnimo.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment