13899 Views

Maanta oo kale 12 sano ka dib Geeridii Boqoradii Codka Magool

Maanta oo kale 12 sano ka dib Geeridii Boqoradii Codka Magool
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 24, 2016 – Maanta oo kale 24 Maarso 2004 oo ay ka soo wareegtay 12 sano waxa ay ku beegan tahay Maalintii lagu aasay Meydkeeda AUN Boqoradii Codka Xaliimo Khaliif Magool oo 19-3-2004 ku geeryootay Dalka Holland Halakasi oo ay mudo ku xanuunsaneyd.

Marxuumada  ayaa lagu aasay 24-3-2004 Qabuure ku yaala ceelasha biyaha ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye, waxana aaskeeda ka soo qeybgalay dadweyne aad u fara badan.

Hadaba Waxaan idiin soo gudbineynaa warbixin aan uga hadleyno Doorkeedii fanka iyo Heesihuu ay ku caan baxday  Boqoradii Codka AUN Xaliimo Khaliif Cumar Magool.

AUN Xaliimo Khaliif Magool waxa ay deganeyd xaafada Taleex ee degmada Hodan waa la kulmay waana wareystay Sanadihii 90 meeyadii waxana ay  ii Sheegtay in Heesaha ugu Badan talantaaliga ay la qaaday AUN Cismaan Maxamed Cabdikariin’Gacalo’ sidoo kalana Fanaaniinta ay heesha Wada Qaadeen ay yihiin Fanaaniin Magac ku lahaa Fanka.

AUN Xaliimo Khaliif Cumar ‘Magool’ Heeso dabacsan iyo kuwa wadani ah ayey qaaday waxaana ay ka qeybgashay Ruwaayada fara badan iyadoo Ruwaayadahaasi qaarkood ay markaasi ka ahayeen Aktarka 1 iyo aktarada 1 ee dhinaca Heesaha AUN Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo ay bishaan oo kale ku kala geeryoodeen Wadamada Holland iyo Jarmalka, waxaan Ruwayaadihii ay ka dhex muuqdeen 2 Hobol ka mid ahaa Aabaheey Ka samraye Adiga oo uu sameeyay Abwaan AUN Maxamed Cali Kaariye iyo Ruwaayadii Jaceyl Boob Uma baahna oo uu sameeyay Abwaan Cabdulqaadir Cali Cigaal’ Ciro’.

Heesaha lagu Xasuusto Boqoradii Codka Xaliimo Khaliif Magool waxa ka mida iyo raga ay la qaaday Heesaha.

Marka hore fanaaniinta dhinaca Wiilasha o ay isla qaadeen Heesaha Talantaaliga waxaana ka mid ahaa

  1. Maxamed Suleymaan Tubeec ‘Boqorkii Codka’
  2. Xasan Aadan Samatar
  3. Cusmaan Maxamed Cabdikariin ‘Gacanlo’
  4. Maxamed Mooge Liibaan
  5. Axmed Mooge Liibaan
  6. Axmed Cali Cigaal
  7. Cabdisalaad Aadan Beerdilaacshe
  8. Axmed Good Shimbir
  9. Xasan Diiriye Faarax
  10. Maxamed Warsame Qasaali
  11. Maxamed Axmed Kuluc
  12. Cabdiqadar Xasan xuseen
  13. Muuse Ismaaciil Qalinle

Heesaha ay la qaaday Fanaaniintaasi kuwii ugu Cadcadaa waxaa ka mid ahaa

  1. Sida sida Aramida
  2. Neyruus
  3. Minankiina
  4. Weyrax
  5. Qormo
  6. Amaantaada
  7. U hub qaado meel kale
  8. Dadnimada Aqoonso
  9. Aan Is helno
  10. Raxmad
  11. Anba kula Mid baan ahay
  12. Sida Canabka beeraha
  13. Dhoof dhoof
  14. Deeqo iyo Daahir
  15. Boqorkii Quruxda
  16. Dhoof Dhoof
  17. Aqoon
  18. Dalsan
  19. Dhab U fiirso
  20. Goroyo Cowl
  21. Caashaqa ha baayicin
  22. Imadadaali

Ma Macaatay Sheekadu. Heesta Miyaad oo uu sameeyay Alaha u naxariistee Abwaan Xuseen Ow Faarax Dubad ayey wada qaadeen Magool,Axmed Mooge,maryan Mursal iyo Cumar dhuule .

Sidoo kale Heesta wadaniga ah heesta la magacbaxday NIN ku siray Wax kuu sheeg ayey Wada qaadeen Magool,tubeec.salaad darbi iyo Seynab Cige. Heesaha Wadaniga ee lagu xasuusto AUN Xaliimo Khaliif Magool waxaa ka mida.Geesiga Birta ah,Africooy Hurudooy,Soomali dhooylaay,dulmi diidow oo ay wada qaadeen Magool,Haboon cabdulaahi iyo hanuuniye

Heesaha dabacsan oo ay caanka ku tahay magool aad bay u fara badan yihiin waxaana kuwa laga tilmaami karo ka mida

  1. Jowhara luula
  2. Subcis
  3. Jaceyl dhiig ma lagu qoray
  4. Banaadiri
  5. Caashaqii ku dhaga tira
  6. Kii dhabaa jaceylka
  7. Aleylehe jaceylkii
  8. Wabiyo Isku Ooman
  9. Kal caano galeen
  10. Armuu idiidaa
  11. Raadkii jaceylka
  12. Haboonow
  13. Inaan Bogsadaan Is Moodaa
  14. Masal guuro Caashaqu
  15. Jaceyl igu ekaa
  16. Shimbir
  17. Day dayaa ma daalo
  18. Jaaw Nabad galyo
  19. iyo kuwa kale

Waxa ay ka qeybgashay Ruwaayado fara badan iyo bandhig faneedyo ka kala dhacay Gudaha iyo Dibada,Ruwaayadihii ay ka qeybgashay waxaa ka mida ahaa, Aabaheey ka samraye adiga,Jaceyl Boob uma Baahna, Dumistii aqalkeyga iyo Arooskii inankeyga, Hagardaamada guurka haatan yaa ka masuula iyo kuwa kale

AUN Xaliimo Khaliif Cumar Magool mar aan weydiiyay heesaha ay sida gaarka ah ugu luqeyso Heesta sida weyn qalbigeeda uu u soo maaxdo waxa ay sheegtay in heesaheeda ay wada jeceshay midkastana tan kale ka daran tahay balse waxa ay qirtay in Heesta Deydayaa Madaalo ay si gaara ugu weyn tahay

.

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’

Uurdoox2013@gmail.com

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment