3465 Views

Munaasibad lagu xusayey marxuum C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasibad lagu xusayey marxuum C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,24 March 2016: Munaasibad balaaran oo ay ka qeyb galeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoon yahano, culumaa‘udiin, iyo xubno kale, taas oo  lagu maamuusayey Cabdulalaahi Ciise Maxamuud,oo ahaa ra’iisulwasaarihii dowladdii daakhiliga aheyd.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay dukumintiyo ka hadlaya taariikhdda Allaha u naxariistee  Cabdulaahi Ciise Maxamuud, waxaana goobtaas dadka  loogu qeybiyey taariikhda nololeedkiisa.

Cabdulaahi Ibraahim Gacal Abkoow, oo la soo shaqeeyey halgamaa Cabdulaahi Ciise ayaa ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday ka sheekeenta taariikhdiisa.

Wasiir dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya  mudane Maxamuud Xasan, oo kamid ahaa siyaasiyiintii munaasabadda ka hadashay waxa uu sheegay in Allaha u naxariistee  Cabdulaahi Ciise, uu ahaa halyeey ku dayasho mudan.

Sanadkii 1922 ayuu ku dhashay degmada Afgooye, waxaana uu kamid ahaa halgamiyaashii Soomaaliya ee la soo dagaalamay gumeystihii, waxaana uu geeriyooday 24 bishii Maarso sandkii 1988.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment