3636 Views

Shir looga hadlayay qaab dhismeedka Booliska oo lagu soo xiray Nairobi

Shir looga hadlayay qaab dhismeedka Booliska oo lagu soo xiray Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho,24 March 2016: Fadhi looga hadlayay qaab dhismeedka Booliska Soomaaliyeed iyo sida ay u wada shaqeyn karaan Booliska dowladda dhexe ee Federaalka ah iyo Booliska Maamul goboleedyada ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii shirka ka qeyb gashay ayaa ka warbixiyay waxyaabaha looga xaajoonayay shirkaas, iyadoo kulankan uu u dhaxeeyay hey’addaha ammaanka dowladda Dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo saraakiil ka socotay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey.

“Shirkan wuxuu ahaa mid looga xaajoonayay qaab dhismeedka Booliska Soomaaliyeed, waxaa la isla gartay in Maamul goboleedyada ay sameystaan boolis u gaar ah, halka dowladda Dhexe uu Boolis Federaal leeyahay, in la qeexo qaabka ay u kala shaqeynayaan”ayuu yiri Wasiirka Amniga oo wareysi siiyay Idaacada BBC.

Mar la weydiiyay sida ay u shaqeynayaan Booliska maamul goboleedyada iyo Booliska Federaalka ayuu tilmaamay in mar walba wada shaqeyn dhex mareyso, isla markaana marka dambiyo waa weyn dhacaan, ay ku lug yeelan doonto Booliska Federaala.

“Booliska Federaalka wuxuu baarayaan dambiyada argagixisada ku lugta leh, halka Booliska dowlad goboleedyada ay dambiyada ka dhaca gudaha ay baarayaan oo ay la tacaalayaan xalintooda”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri “Baarista dambiyada heer Federaal waxay joogayaan maamul goboleedyada, ma ahan Muqdisho oo kaliya, Muqdisho waa saldhigooda dhexe”.

Sidoo kale mar la weydiiyay ammaanka Muqdisho ayuu sheegay in amniga magaalada sidii hore iyo hada uu farqi u dhaxeeyo, isla markaana wax badan horumar laga sameeyay.

“Amniga Muqdisho marka la bar bar dhigo sida uu ahaan jira iyo hada wax badan oo farqi u dhaxeeya, horumar badan ayaa jiro, hal habeen iyo hal maalin amniga wax ma lagu qaban karo, laakiin tartiib tartiib waaye, meesha u socono inaan gaarno muddo badan qaadaneysaa, waxaa loo baahan yahay samir iyo dulqaad badan”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaalo lagu dhisayo ciidamada, isla markaana degmo kasta looga howl gelinayo, iyadoo markii u horeysay muddo 26 sano Booliskii u horeeyay la geeyay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

shir-bolis

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment