2916 Views

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, March 24, 2016 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddu ku tagey dalka Talyaaniga iyo Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ugu horayntii Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey arrimaha amniga isagoona tilmaamay in dowladu ay xoojinayso howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab, wuxuna sidoo kale ka hadlay dagaalkii dhex-marey Ciidamadda Puntland iyo Kooxda Al-shabaab. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu boggaadiyey Ciidamadda Puntland sida geesinimada leh ee ay dagaalka ula galeen Argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo xusay in Talyaaniga ay kala hadleen sidii maalgashi loogu sameyn lahaa Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay booqasho labo maalin oo uu ku tagey magaalada Beled-weyne in odayaasha deegaanka uu kala hadlay ka qeyb galka shirka Jowhar ee lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobollada dalka, iyadoo baaq loo direy cid walba oo gacan ka geysan karta caawinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment