4863 Views

Yusuf Indha Cade oo xog ka bixiyay Sirdoonka Mareykanka iyo Al-Shabaab

Yusuf Indha Cade oo xog  ka bixiyay Sirdoonka Mareykanka iyo Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho,24 March 2016:Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalladii ciidamada Puntland iyo kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray goballada Nugaal iyo Mudug.

Isagoo la hadlayay Idaacad maxalli ah oo ku taalla Muqdisho  ayuu   sheegay in uu aamisan yahay in Sirdoonka Somaliland iyo kooxda Al-Shabaab uu ka dhexeeyo xiriir weyn isla markaana dagaallamayaasha Shabaab ay tagaan xilli kasta magaalooyinka Berbera, Boorame iyo Hargeysa sidda uu hadalka udhigay.

Yuusuf Indha-Cadde ayaa tilmaamay in deegannada Somaliland ay muddo badan ku sugnaayeen hoggaamiyaasha Al-Shabaab ee ka dagaallama gobalka kale ee dalka.

Wuxuu ugu baaqay maamullada Galmudug iyo Puntland in ay dhammeeyaan khilaafka ka dhex jira isla markaana ay u diyaar-garoobaan dagaallada lagu jiro isla markaana aan fursad loo siiyo Shabaabka in ay soo weeraan goballada dalka.

Yuusuf Indha-Cadde ayaa ku celceliyay in sirdoonka Somaliland iyo Al-Shabaab uu xiriir ka dhexeeyo maadama qaar badan oo ka mid ah horjoogayaasha kooxda ay ka soo jeedaan deegannada Somaliland.

Si kastaba, hadalka Yuusuf Indho-Cadde ayaa ku soo aadaya iyadoo muddo ka badan toddobaad ay ku dagaaallamayeen ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment