4257 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Beledweyn

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Beledweyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho,25 March 2016: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo si weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo ay la socdaan mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa mudooyinka u dambeeyay, balse natiija la’an iska joogay.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in halkaasi kulamo uu kula qaato odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale duwana ee bulshada reer Hiiraan islamarkaana uu kala hadlayo arrimo kale duwan la xiriira xoojinta dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wafdi uu hogaaminayay oo maalin ka hor ka soo laabtay Beledweyn ayaa kulamo uu la qaatay odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan kala hadlay sidii dib loogu ambaqaadi lahaa shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee gogoshiisa taalo Beledweyn.

Kulamadaas oo ahaa kuwo saacado badan qaatay ayaa markii dambe wax natiijo ah ka soo bixi waayeen, inkastoo Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan hordhigeen labo qodob oo kala ah in la qabto dib u heshiisiin iyo in gogosha lagu soo celiyo magaalada Beledweyn.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa beeniyay warar soo baxayay oo sheegayay in la isku afgartay kulamadaas, waxaana uu meesha ka saaray war ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta oo ahaa in safarkii Ra’iisul Wasaaraha guul ku soo dhamaaday, isla markaana odayaasha ay aqbaleen inay Jowhar tagaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa wali ku sugan magaalada Beledweyn, kuwaasoo aan wali ku guuleysan inay xal ka gaaraan caqabadaha wali ka taagan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Lama oga sida uu Madaxweynaha ugu guuleysan doono safarkiisa labaad muddo labo bil gudahood oo uu ku tagi doono Beledweyn, iyadoo safarkiisii u dambeeyay aanu wax guul ah kala soo laaban, marka laga reebo in odayaasha dhaqanka ay shuruudo hor dhigeen.

 

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo 12-kii bishii Janaayo ka furmay magaalada Jowhar ayaa wali waxaa uu hakad uga jiraa diidmo iyo cabasho ka timid qaar ka mid ah Beelaha reer Hiiraan oo horay u saluugay saami qeybsigii beelaha ee nabadoonada soo xuleysa ergooyinka shirka.

boqasho-mdxweyne-bweyne-1boqasho-mdxweyne-bweyne-4boqasho-mdxweyne-bweyne-5boqasho-mdxweyne-bweyne-10

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment