3171 Views

Q.M Oo Waqtiga U Kordhisay Xafiiska UNSOM

Q.M Oo Waqtiga U Kordhisay Xafiiska UNSOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho,25 March 2016: Xubnaha golaha ammaanka ee Q,M ayaa waqtiga u kordhiyay xafiiska Q,M ee Soomaaliya ee UNSOM ee arrimaha siyaasadda iyo amaankaba ka shaqeeya.

Xubnaha 15 ah ee golaha amaanka ayaa meel mariyay qaraar waqti kordhin ah oo loo sameeyay xafiiska UNSOM waxaana la gaarsiiyay illaa iyo bisha March 31-keeda ee sanadka dambe ee 2017.

War ka soo baxay xarunta Q,M ayaa waxaa lagu sheegay in maadaama la arkay shaqada uu xafiiska hayo ee ay ka mid yihiin diyaarinta doorashooyin madax bananaan oo Soomaaliya ka dhaca sanadkaan iyo marka la gaaro 2020,ka.

Qaraarkaan xafiiska UNSOM  waqtiga loogu kordhiyay waxaa sidoo kale lagu sheegay in Q,M ay ka shaqaynayso oo ay xooga saarayso sidii ay doorasho Soomaaliya uga dhici laheyd dabayaaqada sanadkaan 2016 taasoo ay isla meel dhigeen qaabkii ay u dhici laheyd kaaliyaha xog’hayaha guud ee Q,M u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jeffrey Feltman iyo wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating, oo bishii hore Muqdisho kula kulmay M/weynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment