5430 Views

Shirkadda Transom Airways oo bilowday Duulimadyo Muqdisho, Boosaaso iyo Nairobi

Shirkadda Transom Airways oo bilowday Duulimadyo Muqdisho, Boosaaso iyo Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho,25 March 2016: Shirkadda duullimaadka ee Transom Airways oo ka hawlgasha dalka, ayaa ka billowday garoonka Boosaaso ee gobolka Bari duullimaadkii ugu horreeyay oo isku xiri doona Muqdisho, Boosaaso iyo Nairobi-Kenya.

Maamulaha Shirkadda Transom Airways ee Boosaaso, Xasan Diiriye Jaamac oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay si toos ah u bilaabeen duullimaad isku-xiri doona magaalooyinka Boosaaso, Muqdisho iyo Nairobi, Kenya.

“Duullimaadyada Transom Airways ee isku xiri doona; Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Nairobi waxay bulshada ka kaafin doona baaihida duulimaad ee ay qabeen inay isaga gooshaan magaalooyinkan. Waxaana doonaynaa inaanu ku darno Dubai, dadweynaha reer Puntland iyo Ummadda Soomaaliyeed, waxaanu ugu shaqeyn doonna si hufan,” ayuu yiri Xasan Diiriye.

Wuxuu kaloo Maamulaha Transom Airways intaas ku daray in Todobaadkii ay afar duulimaad ku tegi doonaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo ah xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Sidoo kale, C/lla Cali Xuseen oo ka mid ah Hawl-wadeenada Shirkadda Transom Airways, ayaa sheegay in duulimaadkan cusub uu meesha ka saarayo baahidii dhanka duullimaadka ahayd ee ay bulshadu qabeen, isagoo xusay in shirkaddu ay bulshada u soo kordhisay duulimaad tayo leh oo saacado kooban qaadanaya.

Dhanka kale, Shirkadda Duullimaadyada ee Transom Airways, ayaa qayb ka ah shirkadaha duulimaad ee ugu tayada wanaagsan shirkadaha ka hawlgala guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Ugu dabmeyn, Wixii ka dambeeyay casriyeyntii garoonka diyaaradaha Boosaaso ee Bandar-Qaasim kaddib ayaa waxaa isa soo tarayay Shirkadaha Duullimaadka ee xafiisyada ka furanaya Boosaaso.

transfom-6transfom-3transfom-7

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment