5136 Views

Banaan bax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Beledweyn

Banaan bax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Beledweyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho,26 March 2016: Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu ka dhacay magaalada Beledweyne banaanbax loogaga soo horjeedo dowlada federalka Soomaaliya.

Dibadbaxaan ayaa yimid kadib markii kulan lagu waday maanta inay yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu u baaqday sababo la xiriira qaabka uu Madaxweynuhu ula kulmayo salaadiinta gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacantay dibad baxan rabshadaha watay ee ka dhacay Beledweyn, waxaana dadka dibad baxayay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah dowladda Federaalka iyo qaabka ay u wado dhismaha maamul u sameynta labada gobol.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu doonayo inuu si gooni gooni ah uu ula kulmo salaadiinta gobolka Hiiraan isagoo gelinii dambe ee shalay iyo xalay uu la kulmay salaadiinta ka soo jeeda Galbeedka magaalada Beledweyne iyadoo kulamadii uu la qaatay ay isku afgarteen beelaha dega galbeedka Beledweyne inay dib ugu soo laabtaan shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Balse Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka soo horjeestay qaabka uu u doonayay madaxweyne Xasan Sheekh ee ah in ugaas walba uu si gaar ah ula kulmo.

Hase yeeshee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culeys kala kulmay sidii uu ugaga dhaadhicin lahaa beesha degta Bariga Beledweyne inay ka soo qeybgalaan shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Banaanbax muddo kooban socday ayaa la sheegay inuu ka dhacay Bariga magaalada Beledweyne iyadoo dadkii banaanbaxayay ay kala eryeen ciidamada maamulka dowlada.

balaweyne-4

balaweyne-5

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment