3207 Views

Ra’iisul Wasaaraha iyo C/wali Gaas oo maanta ka hadlaya habka doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha iyo C/wali Gaas oo maanta ka hadlaya habka doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,26 March 2016: Shir wada tashi oo looga hadlayo hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Garowe, kadib markii shalay uu gaaray Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

 

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa inuu mar kale ku qanciyo Madaxda Puntland sidii ay u aqbali lahaayeen nooca doorasho ee dalka ka dhici, kadib markii Puntland horay u qaadacday.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa shalay ka sheegay Garowe in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ka wada hadli doonaan marxalada kala guurka ah ee uu dalka galay iyo is bedelka laga sameeyo siyaasada Qaranka.

Asagoo horay Madaxweynaha Puntland uga hor-yimid in nidaamka 4.5 lagu soo dhiso Baarlamaanka soo socda, ayaa hadana la ogeyn tanaasulka uu taas ka sameyn doono, kadib markii shirar horay Garowe ku dhex maray Beesha Caalamka iyo Puntland uu natiijo la’aan ku tagay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bishii Janaayo ka soo saartay Muqdisho qaabka doorasho ee dalka ka dhici doona, waxaana aqalka hoose ee Baarlamaanka lagu soo xuli doonaa 4.5, halka aqalka sare lagu soo xuli doono qaab deegaan. La arki doonee sida ay ku dhamaato arrinta doorashada.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment