3567 Views

Toban qodob oo laga soo saaray shirkii maalmahaan ka socday magaalada Kismaayo

Toban qodob oo laga soo saaray shirkii maalmahaan ka socday magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho,26 March 2016: Shir socdey muddo dheer oo todobaadyo ah oo galay labo waji kaasi oo ku saabsanaa tabasho bixinta mid ka mid ah beelaha Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah loosoo afmeerey, waxaana laga soo saaray 10 qodob , iyada oo la qabtay xaflad balaaran oo arrintaasi lagu soo afmeerayo.

Wajiga koowaad shirka waxa uu u dhaxeeyey xubnaha siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha dhexdooda, kadib is turxaan bixin dhexdooda ayaa waxa ay isla waafaqeen waxyaabihii ay lasoo shir tagi lahaayeen.

Wajigii labaad ee shirka ayaa waxa uu dhexmaray guddi 17 xubnood ah oo wajigasi hore laga soo xuley iyo hoggaanka sare ee Jubbaland, waxaana ugu dambeyntii maanta la qabtay shirweyn oo ka dhaxay xarunta shirarka Daawad.

Waxaa qodobada ka mid ah in guddi loo saaro soo xareynta ciidamo ku sugan deegaanka Shabca Asharaaf oo horey u gadoodey, beeshana ka tirsan iyo la dhameystiro sharcinimada degmada Buurdhuubo.

qod1

qod2

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment