3597 Views

Hotel ku yaalla magaalada Hargeysa oo dab qabsaday.

Hotel ku yaalla magaalada Hargeysa oo dab qabsaday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,27 March 2016: Xalay saqdii dhexe ayaa dab ka kacay Hotel ku yaalla magaalada Hargeysa ee Somaliland, iyadoo dabkan uu geystay khasaaro hantiyadeed.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka kacay qeybta raashinka hotelka lagu kariyo, kaasoo ku sii fiday qeybaha kale ee Hotelka.

Hal ruux oo Yemeni ah ayaa ku dhaawacmay dabka ka kacay Hotelka, markii la sheegay inuu isku dayay inuu ka boodo dhismaha Hotelka, si uu uga bad baado dabka.

Dabka oo muddo socday ayaa markii dambe waxaa lagu guuleystay in la damiyo, waxaana u gurmaday waaxda dab damiska ee dowladda Hoose Hargeysa.

Hotelkan waxaa maamula Ganacsato u dhashay dalka Yemen, waana hotel inta badan isticmaalaan dadka Yemeniyiinta ah oo ku badan Hargysa.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment