2892 Views

Madaxweynaha: “Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta’’

Madaxweynaha: “Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta’’
____________________________________________________________________________

Beled Weyne, 27 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhowaan magaalada Kismaayo ay ku kala saxiixdeen Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo mid ka mid ah beelaha dega gobolladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaasi uu ka tarjumayo biseylka shacabka ee fahamka dib u heshiisiinta iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan u hambalyeynayaa maamulka Jubbaland iyo beelaha degaankaasi, tallaabadan horumarka leh ee ay sameeyeen. Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta. Waxaan Jubbaland iyo beelaha ku dhaqan ku dhiirigelinayaa inay sii wadaan hawshan quruxda badan oo aasaas u ah dhismaha Soomaaliyada cusub ee aan doonayno inay ku saleysnaato wada noolaansho, nabad , is-aqbalid iyo in horumarka laga wada shaqeeyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in Jubbaland ay tusaale fiican u noqotay Soomaaliya inteeda kale, isagoo ugu baaqey maamullada iyo degaannada kala duwan ee dalka inay iyaguna qaadaan dhabbada hirgelinta iyo ballaarinta hawlaha dib u heshiisiinta.

Waxaa uu Madaxweynuhu xusuusiyay shacabka in dib u soo celinta kalsoonida is-aaminaadda dhexdooda ay ku imaan karto inay is cafiyaan, kana wada shaqeeyaan dib u heshiisiinta.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment