3387 Views

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay in Odayaasha Hiiraan dib ugu laabtaan shirka Jowhar

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay in Odayaasha Hiiraan dib ugu laabtaan shirka Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho,27 March 2016: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay maanta magaalada Beledweyn kaga dhawaaqeen ilaa toddoba beelood oo ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan oo oggolaaday inay dib ugu biiraan shirka ka socda magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo doorkeedu yahay fududeynta iyo taageerada barnaamijka baahinta xukunka ay si diiran u soo dhoweyneyso tallaabadan geesinimada leh ee ay maanta ku dhawaaqeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

“Aad baan ugu faraxsanahay in tallaabadan horay loogu dhaqaajinayo geeddi-socodka dhismaha maamulka labadan gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Marnaba kama daaleyno inaan shacabka ku dhiirigelino inay wadahadlaan, aayahoodana ka tashadaan. Dowladda waxay sii wadeysaa dadaalkeeda ku aaddan in shirka ka socda Jowhar uu noqdo mid loo dhan yahay, isla markaana qeybaha maqan loogu bishaareynayo in albaabada wadahadalka ay mar walba u furan yihiin’’.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in goob kasta oo dalka ka mid ah ay ka jirto maamul lagala xisaabtamo arrimaha amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada, sidaa darteedna gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay dan ugu jirto inay yeeshaan maamul u horseeda horumar, nabad iyo barwaaqo.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, ayaa isna dhankiisa soo dhoweeyay tallaabada beelahan ay dib ugu soo biirayaan shirka ka socda Jowhar, waxaana uu ballanqaaday in dowladdu ay ka shaqeyn doonto sidii qeybaha weli shirkaasi ka ma maqan loogu qancin lahaa ka qeybgalka shirka muhiimka ah ee Jowhar ka socda.

Odayaasha dhaqanka ee maanta ku dhawaaqey tallaabada dib ugu biirista shirka ayaa sheegay inay maalinta beri ah si rasmi ah ugu ambabaxayaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa saddexdi sanno ee ugu dambeysay dadaal ugu jirtey fududeynta iyo taageerada dhismaha maamullada dalka, iyadoo ku guuleysatey dhismaha maamullada Koonfuur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug balse Hiiraan iyo Sh/dhexe ay meesha ka maqnaayeen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment