3417 Views

Madaxweynaha wuxuu laaluush ku bixiyay kala qeybinta qabaa’ilka Hiiraan”

Madaxweynaha wuxuu laaluush ku bixiyay kala qeybinta qabaa’ilka Hiiraan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,27 March 2016: C/llaahi Goodax Barre Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu kala qeybiyay qabaa’ilka dega Gobolka Hiiraan, kadib markii qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka ay aqbaleen inay shirka Jowhar ka qeyb galaan aya oo raalli ah.

Goodax ayaa sheegay in markii u horeysay oo taariikhda ay midoobeen odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan uu Madaxweynuhu ku sameeyay inuu kala fur furo, isla markaana kala qeybiyay si ula talagal ah.

“Markii u horeysay taariikhda Soomaaliyeed sida lagu ogaa, markii ugu fiicneyd ee ay midoobeen Odayaasha qabaa’ilada reer Hiiraan ayuu inta uu Madaxweynuhu tagay Beledweyn ayuu kala qeybin ka dhex bilaabay, isagoo raba inuu dano gaar ah ka fushdo oo ay tahay inuu u eexdo qabiilka uu isaga ka dhashay u boobo qabaa’ilka faraha badan ee reer Hiiraan”ayuu yiri Xildhibaan Goodax oo maanta Wariyeyaasha kula hadlayay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sidoo kale Madaxweynaha uu qarash ku bixinayo kala qeybinta odayaasha, isla markaana u sameynayo balan-qaadyo been ah, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay musuq maasuq sida uu yiri.

“Anaga hadaa nahay Xildhibaanada Hiiraan u dhashay inta awoodeena ah culeys ayaa saareynaa, waqti abaar ah oo lagu jiro ayuu qarash ku bixinayaa, laaluush ayuu ku kala qeybinayaa odayaasha iyo balan qaadyo uu qabaa’ilka u balan qaadayo jago ayaa idin siinaya, waana musuq maasuq”ayuu mar kale yiri Xildhibaan Goodax.

Mudane Goodax ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh aanay Madaxweyne u aqoonsaneyn, isla markaana hadii ay reer Hiiraan yihiin la dagaalami doonaan, waxaana uu ku eedeeyay Madaxweynuhu inuu ciidan ku dalbatay dadkii shalay banaan baxa dhigay, isla markaana uu daadiyay dhiiga shacabka sida uu yiri.

Inta badan Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa maanta heshiis la gaaray dowladda Federaalka, iyadoo lagu heshiiyay saddex qodob oo ka mid ah in Odayaasha ay tagaan magaalada Jowhar, si ay uga qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Inkastoo Odayaasha dhaqanka Hiiraan markii hore isku mowqif ahaayeen, ayaa hadana waxaa moodaa kulamo badan oo uu Madaxweynaha la yeeshay in ugu dambeyn inta ugu badan Odayaasha ay aqbaleen inay Jowhar tagaan, kadib markii ay in muddo ah diidanayeen inay ku laabtaan Shirka.

Illaa saddex Ugaas oo uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa diiday inay Jowhar tagaan, isla markaana heshiiska ay odayaasha kale la galeen dowladda aanu waxba ka quseyn, muraadna aysan ka lahayn.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment