3195 Views

Qeybaha bulshada oo ku eedeeyay Guddiga QM in ay is hor-taag ku sameeyeen soo kabashada Somalia

Qeybaha bulshada oo ku eedeeyay Guddiga QM in ay is hor-taag ku sameeyeen soo kabashada Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho,27 March 2016: Kulan aad u balaaran oo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho in ka badan 600 hogaamiye oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed sida, Ganacsatada, Bulshada rayidka, Culimada, Saxaafada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Odayaasha dhaqanka, ugana doodeyn dhibaatada joogtada ah ee Gudiga Qaramada Midoobay ee la-socodka Cuna-qabataynta Hubka Soomaaliya & Eretriya, diiradana lagu saaray saameynta xun ee ay ku yeelatay warbixintoodu horumarka iyo soo-kabashada Soomaaliya. dood iyo falaqeyn dheer kadib waxaa laga soo saaray Qodobada hoos ku qoran:

Shirku wuxuu si cad uga soo horjeestay warbixinta joogtada ah ee Gudiga oo u jeedadeedu tahay dhaawaca Sumcada iyo Sharafta Hay’adaha iyo Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliyeed iyo Hogaamiyaasha Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka oo ay ku eedeeyaan mar kasta ku lug lahaanshaha falal dembiyeed aan loo heyn haba yaraatee wax caddeyn ah.

Eedeymahaas been-abuurka ah ayey Bulshada sheegtey in looga gol leeyahay in dambiyo la xiriira musuq-maasuq iyo argagaxisnnimo lagu magac dilo shakhsiyaadka Soomaaliyeed ee magaca ku dhex leh bulshada, u jeedkuna yahay maja-xaabinta dadaalada lagu soo celinayo Dawlad-nimada iyo Magaca Umadda Soomaaliyeed islamrkaana waxay Bulshada ay sheegeen in Gudiga la socodka Hubka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay is hortaagen Soo kabashada Soomaaliya isla markaana ay faregin ku hayso arrimaha Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Shaley ayey ahayd marki qaybaha kala duwan ee Blshada ay dhigeen Banaanbax looga soo horjeedo Gudiga la socodka Hubka Qaramada midoobey ee Soomaaliya iyo ereteriya kuwa oo watey Boorrar ay ku dalbanyaan in Qaramada midoobey ay dib u eegaan Gudigaas oo ay sheegeen in ay Faregin ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed ayaga oo u bareeray.

cambareyn-2cambareyn-1cambareyn-5cambareyn-7cambareyn-6cambareyn-9cambareyn-8

cambareyn-4

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment