3582 Views

Ra’iisul Wasaare Cumar oo uga Mahadceliyey Dawladda Talyaaniga Taageerada ay siinayso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo uga Mahadceliyey Dawladda Talyaaniga Taageerada ay siinayso Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Garowe, March 27, 2016 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dawladda Talyaaniga iyo Urur Gobolleedka IGAD uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, kadib, kulan uu xarunta Madaxtooyada Puntland kula qaatay Xog-hayaha Guud ee Urur Gobolleedka IGAD Danjire Maxbuub Macalin. Kulanka oo lagu soo bandhigayay dhameystirka mashruuca wajiga labaad ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso oo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dawladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dawladda Talyaaniga ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya wajiga labaad ee Garoonka Boosaaso, wuxuna xusay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka codsatay Talyaaniga in gacan ay ka geystaan dhismaha wajiga labaad ee Garoonka, iyadoo dhaqaalaha ay soo marinayaan Urur Gobolleedka IGAD.

‘’Sidaa la socotaan dawladda Federaalka Soomaaliya waxay horey u balan-qaaday in gacan ay ka geysan doonto wajiga labaad ee Mashruuca dhismaha Garoonka Boosaaso, anagoo balan-qaadkaas ka duuleyna waxaan ka codsanay dalka Talyaaniga in ay naga caawiyaan dhamaystirka Mashruucan waana naga aqbaleen, iyagoo noo soo maraya Urur Gobolleedka IGAD, maantana waxay noogu yimaadeen sidii loo hirgelin lahaa fulinta qorshahaas.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin.

garowe-1 garowe-2 garowe-3

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment