8103 Views

Horyaalka Soomaaliya oo maraya meertadiisii 13 ee wareega 2

Horyaalka Soomaaliya oo maraya meertadiisii 13 ee wareega 2
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 28, 2016 – Horyaalka Kubada Cagta Soomaaliya 2015-2016 ayaa maraya Meertadiisii 13 ee wareega 2 waxaana horyaalka ka qeybgalaya 10 Naadi oo heerka 1 ka tirsan.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ee uu Hogaamiyo Cabdiqani Saciid Carab oo Daadihinta Horyaalka udub dhexaad u ah ayaa sheegay in Horyaalka ay ka harsan yihiin Kulamo Fara ku tiris ah.
Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle’ Cabdi cade’ Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee XSKC oo dhawaan booqasho ku yimid Muqdisho dibna ugu Laabtay Dalka Swedhan ayaa bogaadiyay Qaabka wanaagsan Qaabka Wanaagsan ee Horyaalku u socdo iyo habka ay u Maareeyeen Najixintiisa XSKC isagoo xusay mudadii uu joogay Muqdisho inuu ka qeybgalay dhowr kulan oo horyaalka ka tirsan aadna ugu farxay Horumarka Wanaagsan ee kubada cagta Soomaaliya ay ku talaabsatay.
‘Walaahi si wanaagsan ayey ii soo dhaweyeen Asxaabteydii kubada Cagta oo uu ugu horeeyo Gudoomiye Cabdiqani Saciid carab waxaana bogaadinayaa shaqada ay qabteen’ayuu Yiri Cabdi Cade .
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle’ Cabdi Cade’ Waxa uu ka mid ahaa Ragii u istaagay Boor ka jafida kubada Cagta Soomaaliya Bilowgii 90meeaydii,waxaana uu noqday Markii ugu Hoeysay Gudoomiyaha Isboortiga wardhiigleey iyo Gudoonmiye ku xigeenada isboortiga Gobolaka Banadir intiin aan loo Dooran Gudoomiye ku xigeenka XSKC isagoo  sidii uu uga waday Abaabulka Isboortiga Soomaaliya mid la mida uga geystay dalka Swedhan.
Horyaalka kubada Cagta Soomaaliya ee ka soconaya Garoonka Banaadir Stadium isla markaana guda galay Meertadiisii 13 ayey koxaha ka qeybgalaya u kala horeeyaan Xaga dhibcaha sidatan.
  • Banaadir FC        12 Kulan  28 Dhibcood
  • Jeenyo  FC          12 Kulan  25 Dhibcood
  • Dekadda              13 Kulan  23 Dhibcood
  • Heegan  SC        12 Kulan   22 Dhibcood
  • Horseed SC        13 Kulan  19 Dhibcood
  • Gaadiidka           12 kulan   19 Dhibcood
  • Elman FC           12 Kulan   13 Dhibcood
  • Saxafi Fc            13 Kulan    9 Dhibcood
  • Singjet                12 Kulan    8 Dhibcood
  • Fc Muqdisho       12 Kulan    2 Dhibcood
 Horyaalka Waxaa Hogaamineysa Kooxda Banaadir FC oo leh 28 Dhibcood,waxaa ugu hooseysa  FC Muqdisho oo leh 2 Dhibcood
N.B Kooxda Difaacaneysa Horyaalka ee Heegan waxa ay leeyihiin 22 Dhibcood waxa ayna ku jiraan Kaalinta 4 Halka Kooxda Elman oo aan looga baran Kaalimaha Danbe ay Markaasi soo caraabayaan Kaalinta 6 iyagoo leh 13 dhibcood.
.
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment