3693 Views

Muwaadin Somali Canadian ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Muwaadin Somali Canadian ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho,28 March 2016: Kooxo Hubeysan ayaa xalay Muqdisho ku dilay muwaadin Soomaali Canadian ah, kaasoo lagu dhex toogtay masaajid uu salaadii maqrib ku dukanayay oo ku yaal degmada Huriwaa.

Sade Mahad Dirir Guuleed oo 40-jir ahaa kana yimid magaalada Toronto, ayaa xalay lagu dhex toogtay masaajid u dhow agagaarka Shineemo Puntland.

Wararka na soo gaaray ayaa sheegaya in labo dhalinyaro bastoolado ku hubeysan ay masaajidka dhexdiisa ku toogteen, kadibna ay baxsadeen.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ninkan la toogtay xilli uu salaad dukanayay, halka warar kalena ay sheegayaan in xilliga la tooganayay uu kitaab akhrisanayay.

Ciidamo ka tiran kuwa booliska degmada ayaa markii dambe soo gaaray masaajidka uu falka dilka ka dhacay, inkastoo kooxihii dilka geystay ay mar hore baxsadeen.

Allaha u naxariistee Sade Mahad Dirir Guuleed ayaa waxaa dhalay Ganacsade Mahad Dirir Muqdisho ku leh guryo iyo goobo ganacsi.

Ilaa iyo hada cid sheegatay dilkiisa m jirto. Sidoo kale wax war ah kama soo bixin laamaha ammaanka dowladda, hase ahaatee Sade Mahad Dirir ayaa waxaa uu dalka ku soo laabtay afar sano ka hor, waxaa uu ka mid ahaa Soomaalidii qurba joogta aheyd ee dalka dib ugu soo laabtay, si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment