3777 Views

Wadahadalada dhanka siyaasada oo lagu baaqay in Al-Shabaab lagu soo daray

Wadahadalada dhanka siyaasada oo lagu baaqay in Al-Shabaab lagu soo daray
____________________________________________________________________________

Muqdisho,28 March 2016: Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa ku baaqay in Wadahadal lala furo Xarakada Al-shabaab,gaar ahaan  Dadka Ajendaha Soomaaliyeed leh ee ku jira Xarakada Al-shabaab,islamarkaana wadahadal doonaya.

Ismaaciil Macallim Muse,waa Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka,waxaana uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay ka daaaleen dagaal iyo Colaad islamarkaan ahadda loo baahan yahay in wax kasta nabad lagu raadiyo hadii ay suurta gal tahay.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in haddii ay u baahan yihiin Siyaasadda dalka laga qeyb geliyo si loo soo afjaro dagaalka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada AL-shabaab.

Waxaa uu ku baaqay in Gogosha lagula hadlaya Dadka ku jira AL-shabaab la dhigi karo gudaha Dalka iyo xitaa dalka Dibaddiisa gaar ahaan Dowladaha uu xariirka wanaagsan kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtya in ay soo dhawyneyso xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee isa soo dhiiba,kuwaas oo ay Dowladdu sheegtay in ay nabad gelyo heli doonaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment