4395 Views

Wasiir ka tirsan DF Somalia oo sheegay in Wabiga Shabelle ay Itoobiya leexsatay

Wasiir ka tirsan DF Somalia oo sheegay in Wabiga Shabelle ay Itoobiya leexsatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,28 March 2016:Max’ed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Hiddaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya  ayaa sheegay in Dowladda Soomaalia ay ka war qabto in Wabiga Shabeelle ay leexsatay Dowladda Itoobiya islamarkaana meelo badan oo ka mid ah gudaha Itoobiya ay gaarsiisay Dowladdaasi.

Waxaa uu sheeegay in Dowladda Soomaaliya ay kala hadleyso Dowladda Itoobiya sidii loo wadaagi lahaa Biyaha Wabiga Shabeelle ee hadda dhinaca Soomaaliya ka guray.

Sharciga Caalamiga ah ayuu sheegay in ay u marayaan,kaas oo faraya in Biyaha isaga kala gudba Labo dal oo deris ah ay wadaagaan,taasna ay tahay midda ugu wanaagsan ee looga faa’ideysan karo Biyaha Wabiga Shabeelle.

Gobollada Dalka ee uu maro Wabiga Shabeelle ayuu gabi ahaanba ka guray,waxaana walaaca ugu weyn uu soo food saaray Dadka Beeraleyda ah ee Biyaha Wabiga Shabeelle Beeraha ku tacbanayay,  balse waxaa la sugayaa dowlada waxa ay ka tiraahdo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment