3837 Views

Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo la afduubay

Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo la afduubay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,29 March 2016: Diyaarad ay leedahay Shirkadda Egypt Air oo la afduubay ka dibna lagu dajiyay garoonka diyaaradaha Larnaca ee Jaziirada Qubrus.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Airbus 320 duulimaadkeeduna ahaa MS181 ayaa waxaa la socday 81 rakaab ah ayaa ka soo duushay magaalada Alexandaria, iyadoo ku soo jeeday magaalada Qaahira.

Ruux ka mid ah rakaabka diyaarada ayaa sheegay inuu u xiran yahay jaakadaha qarxa, taasna ay keentay in afduub ahaan diyaarada lagu qabsado.

Duuliyaha Diyaarada ayaa sheegay in rakaabka ay u sheegeen in nin xiran jaakadaha qarxa uu diyaarada saaran yahay, isla markaana lagu qasbay inuu ku dego Jaziirada Qubrus.

Diyaaradda Egypt Air ayaa sheegtay in dhamaan rakaabkii diyaarada la sii daayay, balse qaar ka mid ah shaqaalaha diyaarada iyo afar ajnabi ah la heysto.

Shirkadda ayaa sheegtay in wada hadalo ay la gashay afduubaha ay keentay in inta badan rakaabka diyaarada la sii daayo.

Sideed muwaadin British ah ayaa saaran diyaarada, sida ay shaacisay xafiiska Arrimaha Dibadda Britain oo arrintan kala xiriiraya dowladaha Masar iyo Qubrus.

Warbaahinta Masar ayaa magaca afduubaha diyaarada ku sheegay Ibrahim Samaha, illaa iyo hada afduubkan lalama xiriirin fal argagixiso

Ninka afduubaha ayaa dalbaday magangalyo siyaasadeed, sida ay sheegtay warbaahinta Qubrus.

Ammaanka garoonka diyaaradaha ayaa aad loo adkeeyay, waxaa ku sugan ciidamo iyo gawaari gaashaaman, waxaana la baajiyay dhamaan duulimaadyada, waxaana loo weeciyay garoomo kale ee wadanka gudahiisa ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment