3477 Views

Dowladda Shiinaha oo Malaayiin Doolar ku bixineysa abaaraha ka taagan Soomaaliya iyo Ethiopia

Dowladda Shiinaha oo Malaayiin Doolar ku bixineysa abaaraha ka taagan Soomaaliya iyo Ethiopia
____________________________________________________________________________

Muqdisho,29 March 2016: Sida ay qortay Wakaaladda Xinwa, Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in adduun lacageed oo gaaraya 10 Milyan oo dollar ay ku bixineyso  wax ka qabashada xaaladaha abaareed ee ka jira Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dowladda China ayaa lacagtaasi u marsiineysa labada dowladood barnaamijka horumarinta cuntada adduunka, sida laga soo xigtay Wasiirka Ganacsiga China.

Sideed Milyan oo ka mid ah lacagtaasi, waxaa loo qoondeeyay abaaraha ka jira dalka Ehoipia, halka lacagta soo harta oo gaareysa labo Milyan oo dollar lagu bixin doono Soomaaliya.

“Waxaan kala hadli doonaa barnaamijka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay, in si degdeg ah Dadka loo gaarsiiyo raashin iyo kaabayaasha kale ee aas aasiga ah nolosha, ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga China.

Abaarta oo meelaha ugu badan oo ay ka jirto ay ka mid tahay degaanada Waqooyi ee Soomaaliya, ayaa waxaa u dhintay ugu yaaan 6 Qof, iyada oo laga cabsi in xaaladda ay kasii darto haddii aan la helin gargaar degdeg ah.

Dowladda Federaalka Sooamaliya ayaa ku dhawaaqday hal milyan oo dollar, oo  wax loogu qabanayo Dadka ay saameystay Abaarta, iyada Xukuumadda ay magacaaday Guddi heer Wasiir ah.

Sanadkii 2011 ayey ahayd markii sidaan oo kale ay abaartu ku dhafatay Soomaaliya, markaasi oo ay ku barakaceen kumanaan qof kuwa kalena ay u dhinteen gaajo iyobiyo la’aan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment