3066 Views

Madaxweynaha oo bogaadiyay hawlgallada caalamiga ee ka hortagga hubka sida sharci-darrada ah loo soo gelinayo Soomaaliya

Madaxweynaha oo bogaadiyay hawlgallada caalamiga ee ka hortagga hubka sida sharci-darrada ah loo soo gelinayo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay dadaalka waddamada caalamka ee saaxiibka ah ay uga hortagayaan hubka sida sharci-darrada ah la isugu dayayo in la soo geliyo Soomaaliya, oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in colaad iyo xasilooni-darro dalka looga abuuro.

“Waa war lagu farxo in ciidammada dalka Faransiiska ay gacanta ku dhigeen doon sidday shixnad hub si sharci-darro ah la doonayay in waddanka la soo geliyo. Waa hubaal in hubkaas uu ku socday kooxaha qas-wadeyaasha ah. Waxaan iyana bogaadinayaa ciidammada Australia oo dhowaan gacanta ku dhigay shixnad kale oo hub ah oo loo soo wadey Soomaaliya’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Faransiiska iyo Australia ay gacan ka geysaneyso xasiloonida gobolka.

“Hawlgalkan ay ciidammada Australia iyo Faransiiska ku soo qabteen shixnadahan hubka ah waxay xoojineysa qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo tirsigiisu ahaa 2244 (2015) ee cunaqabateynta hubka, kaas oo gacan ka geysanaya xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka intiisa kale. Tallaabadan waa mid ku dayasho mudan oo aan filayno in dalalka kale ay iyaguna ku dhaqaaqi doonaan’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ugu dambeyntii ugu baaqey beesha caalamka inay sii wadaan hawlgalladan looga hortagayo hubka sida sharci-darrada ah dalka ugu soo qulqulaya, si uu u najaxo barnaamijka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee nabadda, xasiloonida iyo ciribtirka kooxda argagixisada ee Al Shabaab.

.

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment