15318 Views

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO AY HAYSATO LABA DARAN MID DOORO?

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO AY HAYSATO LABA DARAN MID DOORO?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 29, 2016 – Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa qaabka ay Dowladu rabto in loo dhiso maamul u samaynta G.hiraan iyo Sh, dhexe iyo Qaabka ay rabaan Odayaasha iyo Shacabka reer Hiraan ayaa ah Kaaf iyo Kala dheeri.

Dowladu waxay in mudo ah ku noq noqotay Magaalada Beledwayne si ay heshiish ula gaarto wax garadka Gobalka iyagoo adeegsanaya Shaqsiyaad Gobolka u dhashay, laakiin taasi waxay noqotay safaro aan laga fiirsan, waayo Dowladu mahayso Fikir ku salaysan Cadaalad iyo Nidaam isku toosan oo QEEXAYA jidkii loo marilahaa qaabka ugu fiican ee loo dhisi karo midnimada labada Gobol.

Mar aan wax ka waydiinay qaar ka mid Odayaasha, Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta reer hiiraan waxa ay noo sheegeen in aysan Raali ka ahayn in laqasbo rabitaan kooda iyo wixii iyaga ay ku jirto dandooda guud iyo mida gaar ahaaneed, lana siiyo waqti ay ku samaystaan dib u heshiisiin Caam ah ee ay isugu imaanayaan dhamaan Beelaha dega Gobolka.

Dowladu waxay aad ugu dadaashay in ay suuro geliso fikirkeeda ku adan dhamaystirka midaynta Gobolada ama (Federal system-ka), laakiin Go’aankii reer hiraan wuxuu noqday mid aan la dhaafi Karin, waxaana qasab noqotay in iyaga loo daayo Go’aan kooda, inkastoo ay dowladu ku dhawaqday in shirka uu socondoono, taasina waxay la mid tahay maahmaahdii ahayd (waa soconwaynaye, ee aan orodno), waayo mar hadii aan loo dhamayn shirka sidee loo gaari karaa muhiimadii laga lahaa shirka maamul usamaynta G.Hiraan iyo Sh. Dhexe.

War iyo dhamaan wax Garadka reer Hiraan waxay muujiyeen in ay yihiin dad isku kalsoon oo u midoobi kara wixii ay ku jirto maslaxadooda Guud iyo midooda gaar ahaaneed, waxayna mujiyeen Taariikh aan weli ka dhicin Somaaliya intii u dhibka ka jiray, waayo majirin Qabiil ama Qabiilo intay wada hadlaan, hadana isku raaco Go’aano ay ku midaysanyihiin, dowladuna ay awoodi wasay in ay kala fur furto midnimadii iyo Ga’aamadii ay gaareen reer Hiraan, sidii caadada u ahaan jirtay awood kasta oo jirta in ay kala furfurto awoodii ka soo horjeeda rabitaankooda, waana arin taariiqi ah oo mudan in ay ku daydaan Qabiilada kale ee degan Gobolada Somaaliya, waayo waa lagu heshiin karaa wixii danta guud ah, iyadoo aan la fiirin wixii dhib ah ee horay u dhexmaray beelaha wada dega.

Midnimada reer Hiraan waxay tusaale u tahay in dadka wada dega hal gobol in ay ku heshiin karaan wixii ay ku jirto maslaxadooda caamka ah ee iyaga ka dhexaysa, iyagoo aan fiirin danaha gaarka ah ee Quseeya beelaha kala duwan ee dega gobolka.

Ugu dambayn waxaa la sugayaa sidii loo midayn lahaa labada Gobol inta aan la gaarin waqtigii ay qabsadeen in la siiyo wax garadka reer hiraan, waqtigaasi oo ay dowladu ka caga jiiday in ay ogolaato, waayo dowladu waxay rabtaa in ay “hal dhagax ku disho laba SHIMBIR) taasi oo macnaheedu yahay, dowladu waxay diyaar garow ugu jirtaa doorashada soo socoto, waxaana weli ka maqan haltiir oo muhiim ah, waana midaynta G.Hiraan iyo Sh. Dhexe, haddii aan lamidayn labadan gobol waqti dhow, waxaa is bedel ku dhici doonaa qaabka ay rabto dowladu in loo abaabulo doorashada si ay ugu awood sheegato Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, inkastoo Xisbiayada qaarkood ay liidado awoodooda Siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment