3510 Views

Wafdi uu hogaaminayo Odawaa oo saaka ku sii jeeda Jowhar

Wafdi uu hogaaminayo Odawaa oo saaka ku sii jeeda Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho,29 March 2016: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay qeyb ka yihiin Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa saaka lagu wadaa inay tagaan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka  ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ee aqbalay inay ka qeyb galaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ku biiri doono odayaasha dhaqanka Sh/Dhexe, si dib loogu bilaabo shirka maamul u sameynta labada gobol.

Waxaa intaa raacsan, inuu wasiirka Arrimaha Gudaha uu kaga dhawaaqi doono magaalada Jowhar in talada shirka maamul u sameynta labada gobol gacanta loo geliyay odayaasha, isla markaana dowladdu ay fududeeyo ka noqon doonto.

U diyaar growga lagu soo dhoweynayo wafuuda ballaaran ee Hiiraan ka imaaneyso ayaa ka socota magaalada Jowhar, iyadoo qeybtii u horeysay wafuudaas ay shalay gaareen magaalada Jowhar, kuwaasoo la dejiay goobo loogu tala galay.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa inay dedejiso shirka maamul u sameynta labada gobol, kaasoo muddo hakad ugu jiray diidmo ka imaaneysay odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, kuwaasoo saluugsanaa qaabkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qeybisay nabadoonada soo xulayay ergooyinka.

Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha ayaa ku guuleystay in inta badan odayaasha dhaqanka Hiiraan ka dhaadhiciyaan inay Jowhar tagaan, isla markaana dib loo bilaabo shirka.

Hase ahaatee saddex ka mid ah oday dhaqameedyo ayaa diiday inay Jowhar tagaan, waxaana oday dhaqameedyadan ku adkeysanayaan mowqifkooda ahaa in gogosha lagu soo celiyo Beledweyn iyo in la qabto shir dib u heshiisiin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment