4509 Views

Dabley Hubeysan oo mar dhow Muqdisho ku dilay Muwaadiniin Turkish ah

Dabley Hubeysan oo mar dhow Muqdisho ku dilay Muwaadiniin Turkish ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho,30 March 2016: Koox hubeysan ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ku dilay muwaadiniin Turkish iyo Soomaali ah, kuwaasoo gaari wada saarnaa.

Sida la sheegayo weerarka ayaa waxaa ku dhintay shan ruux oo Labo ka mid ah ay yihiin Turkish ah, halka saddex kale Soomaali ahaa, kuwaasoo kala ahaa darawal, ilaalo iyo Turjubaan.

Waxaa kale oo la sheegay in weerarka ay geysteen koox hubeysan oo watay baabuur, kuwaas oo weeraray gaariga ay la socdeen muwaadiniinta Turkiga xilli ay marayeen xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Ciidamada Ammaanka dowlada Fedeaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta weerarku uu ka dhacay ee xaafadda taleex ee degmada Hodan, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano.Mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkan, balse waa lagu maqanyahay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment