4203 Views

Duqa Muqdisho oo ugu baaqay shacabka in aysan qarsan dambiilayaal

Duqa Muqdisho oo ugu baaqay shacabka in aysan qarsan dambiilayaal
____________________________________________________________________________

Muqdisho,30 March 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka dowladda.

Mr Jimcaale ayaa sheegay in aanay shacabka guryahooda ku qarsan kuwa ka dambeeya falalka amni darada.

“Amniga Mas’uuliyadiisa maamulka Gobolka lagu wareejiyay, shacabka waxaa laga rabaa in aysan qarsan dambiilayaasha, waxaa ka rabnaa inay la shaqeeyaan hey’addaha Ammaanka”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Yuusuf waxaa uu sheegay in amniga gacan bir ah lagu qaban doono, lagana hortagi doono meelaha laga soo abaabulo qaraxyada, sida garaashyada iyo guryaha lagu qariyo.

Ugu dambeynti Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan bilic soo celinta iyo nadaafada, si quruxda caasimada dib u soo celiyaan, in kastoo aysan muuqan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment