6762 Views

Fanaanada Seynab Cige ’25 sano ka hor baa iigu dambeysay Burco’

Fanaanada Seynab Cige ’25 sano ka hor baa iigu dambeysay Burco’
____________________________________________________________________________

Togdheer | QOL | March 29, 2016 – Ex Fanaanadii Hoboladii Waabari Seynab Cige Maxamed ayaa si dooran loogu soo dhaweeyay xarunta Gobolka Togdheer ee Burco waxana soo dhaweynteeda ka qeybgalay Fanaaniinta Gobolka Togdheer ee Soomaaliland iyo dadweyne kale

Seynab Cige Maxamed oo ka mid aheyd hablihii dhinaca heesaha ugu caansanaa Kooxdii hooyadii fanka Hobolada waabari ayaa tibaaxday inay ku faraxsan tahay inay soo  gaarto Burco oo 25 sano ak hor ay ugu dambeysay,waxaana ay sheegtay inay si weyn uga mahad celineyso qaabka loo soo agaasimay Soo dhaweynteeda.
Seynab Cige ayaa ah fanaanad cod degan isla amrkaana qaada heeso dabacsan iyo kuwa wadani ah kana qeybgashay Ruwaayado kala duwan oo ay ugu caansanaayeeen Ruwaayadii Qabrigii jaceylka,Xuskii jaceylka.
Heesaha dabacsan intooda badan waxa ay wada qaadeen Fanaanka weyn Salaad Maxamed Shardi’ Salaad darbi’ waxaana xusid mudan in Heesta Wadaniga ah ee la magac baxday NIN ku siray wax kuu sheeg ay wada qaadeen 4ta hobol ee kala ah Salaad Maxamed Shardi; Salaad darbi’ Seynab Cige Maxamed iyo AUN Maxamed saleebaan Tubeec iyo xaliimo Khaliif Cumar Magool,waxaana heestani ay ka mid tahay heesaha wadaniga ee ay qaadeen Hoboladi waabari kuwa loogu jecel yahay
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed cabdulle’ Uurdoox
_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment