3528 Views

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo soo dhaweeyay odoyaal jowhar gaaray

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo soo dhaweeyay odoyaal jowhar gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho,30 March 2016: Duubab dhaqameedyo iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo kala jeeda Gobollada Hiiran iyo Shabeelaha dhexe ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, iyadoo ay iminka socoto qaban qaabada wajiga labaad ee shirka maamulka labada gobol.

Salaadiinta soo gaartay magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ahaa Imaam Maxamed Yuusuf Cali,Ugaas Maxamud Ali Ugaas ,Ugaas C/raxman Ugaas Cabdllaahi ,Ugaas Cabdllaahi ugaas Saalax,Suldaan Maxamed Axmed Shido, Wabar Maxamed wabar Axmed, Ugaas C/xakin Ugaas Maxamed, Ugaas C/naasir Ugaas Maxamed, Islow CIsmaan Shiikh Xasan iyo xubno kale, waxaana garoonka diyaaradaha ee Jowhar ku soo dhaweeyay maamulka iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cali Cabdullahi Xuseen oo ka hadlay soo dhoweynta salaadiinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan in dib la isugu soo laabto shirka Maamul u sameynta labada gobol, isla markaana amniga magaalada uu yahay mid la isku haleyn karo.

“Waxaan rajaynayaa in shirka wajiga labaad uu u gudbi doono inta ka dhimana ay ku soo biiri doonto, si loo helo dad isku aragti ka ah dhismaha maamulka labada gobol, shacabka gobolkana waxa uu diyaar idinla yahay soo dhaweyntiina.”ayuu yiri Guddoomiye Guudlawe.

Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Cabdullaahi oo ku hadlayay magaca duubabka dhaqanka soo gaaray magaalada Jowhar, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay ka qeybgalaan maamul u sameynta labada gobol ee Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in inta dhiman ay ka soo qeyb geli doonaan shirka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment