4926 Views

Bulshada Soomaaliyeed oo loogu baaqay u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen

Bulshada Soomaaliyeed oo loogu baaqay u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho,31 March 2016: Jiliyaasha aan dowliga ahayn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya SOSCENSA, ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho, ka soo saaray baaq ay u jeedinayaan Ummadda Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan gurmad u fidinta dadka ay abaaruhu wax yeelayeen.

Xoghayaha u qareemidda iyo galaangalka SOSCENSA Diini Maxamed Diini oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulankooda uu ka soo baxay warsaxaafadeed ay ku baaqayaan si wada jir ah looga qeyb qaato sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku nool deegaanada Maamulka Somaliland iyo deegaannad kale ee ka jirta abarta.

“Dalladda SOSCENSA waxa ay walaalaha Soomaaliyeed dhamaantood si xushmad leh uga codsaneynaa inay u gurmadaan Walaalaha Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, waxaana si gaar ah baaqan ugu jeedineynaa bahda saxaafadda, inay arrinkan si mug leh bulshada uga wacyigeliyaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu waxyeeleyeen meelkasta oo ay joogaan. Ayuu yiri Diini Maxamed Diini.

Xoghayaha SOSCENSA ayaa xusay in dhawaan ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha bulshada, gaar ahaan ganacsatada, bahda saxaafadda iyo waxbarashada, si loo sameeyo guddi dhaqaale uruurrin ah, si loo balaariyo wax u qabashada dadka ay abaaruhu saameeyn.

“Waxaan dhisi rabnaa guddi dhaqaale uruurrin ah,  waxaana shacabka Soomaaliyeed ka fileynaa meelkasta oo ay joogaan inay si hufan u gutaan waajibka ka saaran u gurmashada Walaalahood ee ay abaaruhu ku dhufteem iyo bulshada kale ee degan jiinka Webiga Shabeelle oo biyaha ka gureen, kuwaasi oo u baahan kaalmo dhan waliba leh” ayuu hadalkiisa ku daray.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment