4062 Views

GANACSATO BADDAN AYAA WAALAAC KA MUUJYEY DEYMO AY SIIYEEN?

GANACSATO BADDAN AYAA WAALAAC KA MUUJYEY DEYMO AY SIIYEEN?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 31, 2016 – Ganacsato badan ayaa walaac ka muujiyey DEYMO ay siiyeen Madax ka tirsan Dowlada Federalka iyo Dowladihii ku meel gaarka ahaa ee ka horeyey dowlada hada jirta.

Waxaa Caado noqotay in ay dad badan oo sheeganaya in ay yihiin masuuliyiin dowladeed ay tagaan Baqaarada lagu gaddo ALAABTA GURYAHA ama DHISMAHA, iyagoo DEYN ka qaata Ganacsatada leh baqaarada, Shaqsiyaadkan ayaa waxay balan qaadaan in ay mudo gaaban ku bixinayaan lacagaha lagu leeyahay.

Hadaba waraysi aan la yeelanay GANACSATADA qaar ka kid ah, waxay noo sheegeen in ay deymaha qaar ka yimaadeen Dowladihii Cabdulaahi Yusuf, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo aan weli la BIXIN, sababtuna waxay tahay shaqsiyaadkan sheegana masuuliyada dowladeed marka ay qaataan DEYMAHA ayaa waqti kadib XILKA laga qaadaa, iyagoo aan weli dhiibin Deymihii lagu lahaa, taasina waxay dhalisay in aysan dib ugu soonoqon Baqaaradii ay ka qaateen deynta.

Nin ka mid ah Ganacsatada wuxuu ii shhegay “ in uu alaab siiyey nin wasiir ah oo ka tirsanaa dowladihii la bedelay ee M. wayne XASAN Sheekh, Ganacsadihii wuxuu yiri, Ninkii ayaan si kadis ah kula kulmay Hotel ka mid ah Hotelada Muqdisho, waxaan ku iri maxaad iigu keeni waysay lacagtii, wuxuu igu yiri saxiib waqtigii aan is lahaa Bixi Deynta Xilkii ayaa la iga qaaday ee mahaysto lacag, isagoo wejigiisa ka muuqato Xishood iyo YAXYAX, waana isaga tagay, waxaan haystay warqad uu ii saxiixay, waxaan isku dayey in aan u gaysto dowlada hada jirto, waxaana la igu yiri, warqadahan MA AQOONSANIN ee iska tag.”

Waxaan daba gal ku samaynay Shaqsiyaadkan hay’adaha ay ka tirsanyihii, waxaana naloo sheegay in ay ka tirsan yihiin dhamaan hay’adaha dowlada oo dhan sida, Golaha Wasiirada, Xildhibanada, Saraakiisha, Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Hoose ee Gobolada, Alaabaha ay qaadeen inta badan waxaa lagu qalabeeyaa, Xafiisyada iyo Guryaha ay degeyihiin Masuuliyiinta.

Hantida ka maqan Ganacsatada waxaan lagu QIYAASAY in ka badan ilaa 2500,000 kun (us dollar) waxaana murugo ah in aysan jirin rajo ay ku helayaan Xoolahooda Ganacsatadii dhiibtay deyn tan, Ganacsatadii waxaa Hortooda ka muuqato Maahmaahdii ahayd (Xoolahaagu waxay ku dhahaan Ha idhiibin, hadaad idhiibtana ha igu daba dhiman”.

Waxaan soo ogaanay in ay ganacsatada gaar ay iyaga Masuul kayihiin in la dhoco, qaarna ay u gaysay Qasaraha Aqoondari looga fa’idaystay, waayo marka deynta lasiinayo shaqsi sheeganaya masuuliyada dowlada Lays kama baarin in uu leeyahay awood dhaqaale ee ku filan, lama waydiin in ay keenaan DAMIINUL MAAL oo balan qaadaya in uu dhiibi doono hadii qofkan uu bixin waayo DEYNT uu qatay, waayo Hay adaha ay maamulaan Wasiirada hada Jira mahaystaan Dhaqaale ku filan oo ay ku bixiyaan Xoolaha dadweynaha, mana jiro  Balan qaad ka yimid dowlada DHEXE ee balan qaadayo in loo qalabeeyo Wasiirka Gurigiisa ama Xafiiskiisa.

Waxaa kale uu ka dhex jiraa TARTAN ganacsatada, tartankaas oo ah, hadii Ganacsade DIIDO in uu deyn siiyo Shaqsi u shaqeeya Dowlada ama ku XUJEEYO Shuruudo adag, ganacsade kale ayaa ku siinaya Bilaashuruud deynta uu rabo Shaqsigaas, taasina waxay dhalisay in ay ka soo gaarto Qaare ba’an Ganacsatadan danyarta ah.

War iyo dhamaan waxaan Gaacsatada kula dardaarmayaa in ay ka digtoonaadaan Balan qaadka BEENTA ah ee ay dadka ku qaldayaan Shaqsiyaadkan Sheeganaya Masuuliyada Dowlada, waayo Shaqsiyaadkan markii laga qaado xilka intooda badan way AWOODAAN in ay iska dhiibaan DEYNTA ee waxay ogaadeen in uu san JIRIN SHARCI wax ka qabanaya hadii la horkeeno, waayo waxaa aad u liidato AWOODII GARSOORKA ee la rabay in ay u HIILISO Masaakiinta la dhacay ee markast loo HANJABAYO markii ay wacaan dadka ka qabo DEYMAHA.

Waxaan ganacsatada leeyahay iyo Cidii kale ee XAQDARO lagu hayo, Kasameeya QORAALO iyo Marqaatiyo wixii dhib ah ee la idiin gaysto, kuna XAFIDAN meel Sugan, waxaa lagaari doonaa maalin aan la is handadi doonin, Haddii Alla idmo, Somaalidu waxay Tiraahdaa “Geel Caruuri Qaaday Madheera” ninkasta ee awood isbidaya walee Maalin baa la is qaban!!!.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment