6258 Views

Qarax xoogan oo mar dhow ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo

Qarax xoogan oo mar dhow ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho,31 March 2016: In kastoo an faah-faahin dheeraad ah laga haynin, qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo qaraxa lala eegtay Hotel ku yaala magaalada dhaxdeeda.

Warararka ka soo baxaya, ayaa sheegayaa in weerarkaan uu u muuqdo mid ismiidaaminah, iyadoo ay wali adag tahay in la helo faah faahin dheerad ah.

Rasaas isdaba joog ah ayaa la maqlayay qaraxa kadib, lamana oga sida xaalada tahay, hase ahaatee Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa u gurmaday halka weerarka ka dhacay

Wararka an henay ayaa sheegaya in hotelka qaraxa lala eegtay lagu magacaabo Hotel Uunlaaye, kaasoo qeybo ka mid ah hotelka uu bur bur soo gaaray in kastoo bxadda an la ogeeyn.

Warar hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in ugu yaraan lix qof qaraxa ku geeriyootay, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana qaraxa uu ka dhacay Hotel lagu mafacaabo Uunlaaye.

Qarax waxaa la aaminsan yahay in lala beegsaday Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare ), xisaabiyihii guud ee wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland ee gobolka Mudug, kaas oo si muuqata uu ku geeriyooday goobta qaraxa ka dhacay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment