3576 Views

Talyaaniga oo qalab “Sports” siiyay kooxaha ciyaatoyda Soomaaliyeed

Talyaaniga oo qalab “Sports” siiyay kooxaha ciyaatoyda Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho,31 March 2016: Ciidanka dowladda Talyaaniga ee qeybta ka ah ee howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay qalab Sport ku guddoonsiiyeen ciyaartooy Soomaaliyeed kadib munaasibad lagu qabtay magaalada Muqidsho.

Alaabtaan oo ka kooban kubadaha kala duwan ee lagu ciyaaro ayaa waxaa la siiyay kooxaha kala ah; kooxda gabdhaha qaranka ee kubadda gacanta, kooxda gentaalada ee kubadda cagta ee degmada Afgooye iyo wiilasha 11 sano jiradaha ee degmada Yaaqshiid.

Goobta qalabka Sports-ka lagula kala wareegayay ayaa waxaa joogay mataliyaal ka kala socday wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, maamulka gobolka Banaadir, xiriirada kubadda koleyga, kan gacanta, taliyaha ciidanka Talyaaniga ee Soomaaliya jooga iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta xiriirada kubadda koleyga iyo kubadda gacanta, ayaa taliyaha ciidanka Talyaaniga ee Soomaaliya jooga ka codsaday in ay u dayactiraan garoonka wish stadium maadaama garoonka uu yahay mid ka dhaxeeya labada xiriir isla markaana u baahan dayactir balaaran ka hor sanadka 2017-ka; ayagoo sidoo kalena dowladda Talyaaniga ugu mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen.

Taliyaha ciidanka Talyaaniga ee qeybta ka ah howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya korneel Fernando Bernardo, ayaa sheegay in codsiga ay soo gudbiyeen xiriirada uu gaarsiin doono dowladiisa, isagoo sidoo kale sheegay in qalabkan ugu talagaleen in ay kor ugu qaadaan niyadda ciyaartooyda Soomaaliyeed.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment