13611 Views

Warqad sir ah oo beesha Xawaadle u direen QM

Warqad sir ah oo beesha Xawaadle u direen QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho,31 March 2016: Sida ku cad warqad la helay, Ugaasyada kala ah:

Xasan Ugaas Khalif,

Cali Ugaas Xasan

Cali Ugaas Muxumed Shafeec

 oo ka mid ah Ugaasyada Hiiraan ayaa warqad ay u qoreen Micheal Keating uga codsaday in uu dhexdhexaadiyo iyaga iyo dowladda Federaalka ah.

Ugaasyada warqadda qoray waxaa ay qaramada midoobey xasuusiyeen in markii ay Odoyaasha dhaqanka qaadhaceen shirka Jowhar ay Baladweyne soo booqdeen madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha si ay odoyaasha u qanciyaan shirka balse aaney middaasi dhicin balse taasi badalkeeda ayey sheegeen Ugaasyada in dowladda dooneyso in ay horay uga socoto howlaheeda la tashi la’aanta.

Odoyaashan dhaqanka ayaa waxaa ay qaramada midoobey u sheegeen in dowladda federaalka ay hordhigeen 3 qodob oo kala ah:

In ay sameystaan dib u heshiisiin beelaha dega Hiiraan dhexdooda ah.

In shirka in dib loogu celiyo Baladweyn.

Iyo in Hiran laga dhigo 2 gobol, mar haddii uu ka mid ahaa 8-dii horay u jirtay.

Odoyaashan dhaqanka waxaa ay warqadooda sidoo kale ku qoreen in dadka gobolkaasi degan uu soo kala dhexmaray dagaalo badan sidaa darteed ay u baahan yihiin dib u heshiisiin dhexdooda ah kadibna ay la fariisan doonaan odoyaasha Shabeelada dhexe si ay isula arkaan wixii la sameyn karo.

Ugaayada Hiiraan waxaa ay meesha ka saareen macquulnimada in ay is hor fariistaan dad dagaalsan oo ay ka wada hadalaan mustaqbal mideysan.

Ugu dambeyntii waxaa ay Ugaasyadan ka digeen in howsha horay loo wado iyadoo aan laga fakirin cawaaqib xumida ka dhalan karta, waxayna ka codsadeen xafiiska Keating in uu dhexgalo Ugaasyada Hiiraan iyo dowladda federaalka ah.

Waxaa kaloo warqadda la ogeysiiyay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamud, Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid Sharma’arke iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.

Shirka Jowhar:

Jimcihii waxaa Baladweyn tagay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamud isagoo mid mid ula kulmay inta badan Odoyaasha dhaqanka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelle, waxaa uu sidoo kale ku guuleystay in badankooda ay dib ugu soo laabtaan shirka Jowhar.

Talaadadii waxaa Jowhar Yimid diyaarado siday wufuud ka timid Baladweyn iyadoo la filayo in uu dhawaan ku soo biiro Wasiirka arrimaga gudaha iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Hadaba lama oga waxa ay qabsoomidda shirka Jowhar ka badali doonaan maqnaashiyada iyo mowqifka 3-dan Ugaas, laakin waxaa muuqata in dowladda au dadaal ugu jirto sidii dhamaan Odoyaasha Jowhar loo geyn lahaa si loo amboqaado dowlad goboleedka ugu dambeysa ee la dhiso ka hor doorashada 2016-ka.

Arrinta Hiiraan waa calawday ee an eegno wixi ka soo baxo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment