3264 Views

Duqeyn loo geystey deegaan ku yaal Janaale oo lagu diley Amiirkii Shabaab ee Janaale

Duqeyn loo geystey deegaan ku yaal Janaale oo lagu diley Amiirkii Shabaab ee Janaale
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 1, 2016 Weerar duqeyn ah ayaa lagu qaaday deegaanka Kaaytoy oo ka tirsan gobolka Sh/hoose iyadoo la sheegay in ay duqeyntaas sababtay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka Kaaytoy duqeyntan ayaa waxaa ku dhintey qaar ka mid ah saraakiil ururka Alshabaab ka tirsan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyntaas uu ku dhintey amiirkii deegaanka Janaale iyo saraakiil kale halkaa ku shirayay.

Diyaaradaha duqeynta geystey ayaan la ogeyn in ay yihiin diyaarado ay leeyihiin ciidamada dowlada Maraykanka iyo in kale, balse illaa iyo hadda ma jiro wax war ahoo ka soo baxay ururka Alshabaab. Duqeynta ay diyaaradaha geystaan oo lagu qaado dagaalyahanada Alshabaab ayaa waxaa badanaa fuliya dowlada Maraykanka oo isticmaala Drons.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment