3444 Views

Qarax ka dhacay Masjid ku yaal magaalada Beledweyne

Qarax ka dhacay Masjid ku yaal magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho,1 April 2016: 

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in fiidnimadii xalay qarax ka dhacy masjid ku yaal laanta Siigaalow ee xaafada Howladaag ee magaalada Beledweyne ayna ku dhinteen labo ruux halka 12 kalana ku dhaawacmeen.

Qaraxan oo an la ogeeyn waxa sababay, ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay miino lagu diyaariyay gudaha masjidka halka warar kalana ay sheegayaan in uu ahaa mid ka dhashay bambo gacmeed lagu soo tuuray masjidka oo ku yaal meel gees ah ee galbeedka Beledweyne.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Beledweyne sida la soo sheegayo . Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa qaraxan hase ahaatee warar ayaa tilmaamaya in masjidkan ay si gaar ah u isticmaalayeen urur diimeed gaar ah.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyadoo weliba qaraxan uu ku soo beegmay xilli maamulka gobolka Hiiraan uu bilaabay in la sugo ammaanka magaalada Beledweyne.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment