3282 Views

“Ciidamada Kumaandooska waxay sii wadayaan weerarada qaaska ah”

“Ciidamada Kumaandooska waxay sii wadayaan weerarada qaaska ah”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 2, 2016 Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka, ayaa faah faahin ka bixiyay howl gal ay ka qeyb qaateen Ciidamada Kumaandooska oo taageero ka helayay Mareykanka, kaasoo lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in howl galka ka dhacay deegaan ku dhow dhow Toora-Toorow ku dileen Xasan Cali Dhoore oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Amniyaatka Shabaab, isla markaana ay muddo daba joogeen, balse hadda howshaas ay dhamaatay.

“Howl galkaas waxaa fuliyay Ciidamada Kumaandoska oo taageero ka helaya Mareykanka, wuxuu howl galkaas ka dhacay Toora Toorow, ninkaas baadigoobka xoog leh loogu jiray isaga iyo rag kale ayaa lagu dilay weerarkaa”

Waxaa uu sheegay in Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya uu bartilmaameed u ahaa ninkaas, isla markaana uu ka mid ahaa ragga ugu sareeya amniyaadka Shabaab ee fuliya qaraxyada iyo weerarada qorsheysan.

Jen. Cali Bashi ayaa sheegay in weerarada ay sii soconayaan, isla markaana mar walba Ciidamada Kumaandooska ay fulinayaan howl galo joogto ah, iyagoo helaya macluumaad, isla markaana sahansanaya goobaha ay ka howl galayaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in Xasan Cali Dhoore uu ahaa sarkaal muhiim ahaa oo door ku lahaa weeraro ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay muwaadiniin Mareykan ah iyo qaar Soomaali ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment