3474 Views

WAR DEG DEG AH,

____________________________________________________________________________

CIIDAMADA AMAANKA OO WERAR KU QAYBTA CABDALA SHIDEEYE EE SUUQA BAKAARAHA SAKAY AROORTII.

Warar aanu ka helnay Ganacsato iyo Shacabka ka adeegta Suuqa u wayn  Magalada Muqdisho ee BAKAARAHA, ayaa waxay sheegayaan in ay arkeen sakay AROORTII Ciidamada Amaanka Muqdisho oo xirtay jidadka laga soo galo Suuqa qaybtiisa loo yaqaan CABDALA SHIDIYEEYE, waxaana halkaas laga soo Aruuriyey dadkii ku sugnaa Goobtaas, waxaana loo qaaday Xabsiyada kala duwan ee Muqdisho.

Shacabka waxay noo sheegeen in ay DHIB WEYN ku qabeen Qaybta Cabdala Shideeye ee ka tirsan  suuqa  wayn ee Bakaaraha, waxayna ahayd Goobta lagu DHOCO Shacabka, waxaa lagu sameeyaa wax kasta oo FALSA ama Been abuur ah,waa meesha laga tahriibiyo dhalinyarada iyagoo loo sameeyo Dukumiiti aan jirin, waxaa lagu kala GATAA wixii Shacabka laga soo DHOCO iyo Maan dooriyashaa Noocyadiisa kala duwan.

Dad badan oo ay wajiyadooda ka muuqatay FARXAD, waxay yiraahdeen Shacabka waxay u tahay NASRI Alla u soo diray in la qab qabto dadkaas umada dhacay, Laakiin nin Oday ah oo meesha Joogay ayaa yiri, qaqabashadan “waxba kama jiraan HADDA ayaa la soo daynayaa dadkaas, waayo dadkan TUUGADA ah iyo CIIDAMADA qaar kamid ah waxaa ka dhexeeya XIRIIR wada Shaqaysi, waana la soo daynayaa dhamaan tood goor dhow!!!.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay ka mid tahay Goobtan meelaha laga Abaabullo Falalka Amaan daro ee ka dhaca Suuqa, Magaalada  Muqdisho iyo Hareeraheeda.

Sida shacabku sheegay waxaa laga sugayaa Ciidamada Amaanka in ay ku qabtaan GACAN ADAG meel kasta oo laga abaabulo Dhibka Shacabka, iyagoo kaashanaya Shacabka si loo helo XOGTA meel kasta ee ay isugu yimaadaan kuwa DHACA Shacabka.

Wixii xog dheeraad ah ee ka soo baxa Arimahan dib ayaan ka soo sheegi doonaa, Insha’Allah.

 

Qaranimo online

Muqdisho

 

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment