6459 Views

“Canshuurta guryaha uu qaado Maamulka Gobolka Banaadir waa qalad”

“Canshuurta guryaha uu qaado Maamulka Gobolka Banaadir waa qalad”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 3, 2016 Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci darro ku tilmaamay canshuuraha uu qaado Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha u joojiyo canshuuraha laga qaado guryaha dadka leeyahay.

Nuur Faarax ayaa sheegay in degmooyinka Gobolka Banaadir ay mid walba leedahay boono u gaar ah oo lacag lagu qabanayo, taasoo uu xusay inay tahay mid qalad ah isla markaana xaaraan ah.

“Hey’addaha dowladda waxaa ka codsanayaa in Xisaabiyaha guud boonidiisa la isticmaalo boono kale oo lacag lagu qabanayo waa qalad, waxaa arkeysaa degmooyinka Gobolka Banaadir inay leeyihiin boono kala duwan, taasna waa ka digeynaa, maamulka Gobolka Banaadir waa kala hadlayaa”ayuu yiri Hanti dhowraha Guud oo hadalkan ka sheegay kulan looga hadlayay la dagaalanka musuq maasuqa oo shalay ka dhacay Muqdisho.

Waxaa uu sidoo kale sharci darro ku tilmaamay lacagaha canshuuraha ee laga qaado guryaha, isagoo tilmaamay inay layaab tahay qaabka guryaha loo caburayo oo ah mid aan adduunka ka jirin ee nagu cusub.

“Lacagaha canshuurta ee guryaha laga qaadayo ee la leeyahay korna waa loo cabirayaa hoosna waa loo cabirayaa, adduunka meel ay ka shaqeyso ma lahan, maamulka gobolka banaadir si dhaqse ah ha u joojiyo, umada soomaaliyeed yaan dowladda laga horkeenin, shacabka iyo dowladda hala isku xirno, Yurub, Ameerika iyo Afrika meel guryaha laga cabiro oo balac iyo dhirir ah ma jirto, arrintaas waa xaaraan, waana qalad”ayuu yiri Hanti dhowaraha Guud.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay qaadista canshuuraha guryaha, iyadoo inta badan degmooyinka ay muddooyinkii u dambeeyay ka socotay howlo canshuur qaadis ah, iyadoo guryaha sida ay u kala boos weyn yihiin lacagaha loogu kala qaadayo. Taas oo ah mid an horay loo arag ee hadaa la billaabay si musuq-maasuq jid loogu furo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment