4131 Views

Sarkaal ka tirsan Nabadsugida oo maanta lagu dilay Muqdisho

Sarkaal ka tirsan Nabadsugida oo maanta lagu dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 3, 2016: Rag hubeysan ayaa maanta duhurkii ku dilay degmada Xamar weyne Sarkaal ka tirsan nabadsugida, iyadoo kooxdii dilka geysatay oo watay gaari kuwa rakaabka ah ay baxsadeen, wana sida caadadu ahaan jirtay.

Weerarka ayaa ka dhacay wado ay iska galaan degmooyinka Xamar weyne iyo Xamar Jajab, waxaana kooxda fulisay dilka ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud.

Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Faarax Muxiyadiin, waxaana markii falka dilka dhacay kadib meydkiisa ka qaaday goobta Ciidamada ammaanka.

Ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan dilkan bartamaha magaalada loogu geystay sarkaal ka tirsan Nabadsugida.

Shalay ayay aheyd markii weeraro ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Boondheere lagu dilay illaa afar ruux oo ka tirsanaa Nabadsugida oo an weli war laga haynin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment