3804 Views

Saxafiyiin London ku kulmay oo talooyin soo jeediyay

Saxafiyiin London ku kulmay oo talooyin soo jeediyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 3, 2016: Kulan ay ka qeyb galeen bahda Warbaahinta ee ku kala nool qaar ka mid ah wadamada ku yaala qaaradda Europe ayaa lagu qabtay Magaalada London

Shirkaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa shaqsiyaad magac ku dhex leh bahda Warbaahinta iyo bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii fikrado iyo talooyin loogu biirin lahaa bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee muranku ka dhex taagan yahay.

Shirkaan ayaa dhex-dhexaad ka ahaa xal u helista muranka jira ee u dhaxeeya dhinacyada isku heysta hoggaanka bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa waqti dheer galiyay sidii talooyin xal u helis ah loola wadaagi lahaa dhinacyada uu khilaafku ka dhex jiro.

Kulanka ayaa la isku weydaarsaday fikrado iyo aragtiyo looga gol-lahaa mideynta bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxaana kulanka laga soo saaray baaq talooyin ah oo ka kooban 5 qodob oo kala ah sida soo socota:

1- In dib u eegis lagu sameeyo sharciga u yaala Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, si loo helo sharci dhameystiran oo aan mar kale keenin ama sababin khilaafka ama isku dhac
2- In caasimadda Muqdisho lagu qabto kulan ay ka wada qeyb galaan wakiilo matala dhammaan bahda Warbaahinta dal iyo dibadba.

3- In doorasho cadaalad ah la qabto oo qofka lagu dooranayo aqoontiisa.

4- In ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo doorashaduba ay noqoto mid ka madax banaan dowladda Soomaaliya iyo Ururada siyaasadda.

5- In xilliga doorashada la hakiyo si loo helo waqti lagu saxo khilaafka jira.

Dhammaan qodobada kor ku xusan ayaa ah qodobo ay si wadajir ah u wada-gaareen ka qeyb galayaasha Kulanka ayaga oo an dhanna xigsan.

33-620x2642-2

4-2

5-2

6-2

8-1

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment