4782 Views

4-ta Abriil maalintii xasuusta murugada Isboortiga, AUN Wiish iyo Siciid Mugaanbe…

4-ta Abriil maalintii xasuusta murugada Isboortiga, AUN Wiish iyo Siciid Mugaanbe…
____________________________________________________________________________
Muqdisho | QOL | April 4, 2016 – Bari oo ku beegan 4 Abriil 2016 waa 4 Guuradii ka soo wareegtay Maalintii ay geeryoodeen Halyeeyadii Isboortiga Soomaaliya AUN Gudoomiyihii Gudiga Olombikada Soomaaliyeed Marxuum Ibraahim Xaaji yabaroow ‘Wiish’ Iyo Gudoomiyihii XSKC Marxuum Saciid Maxamuud Nuur ‘Mugaabne’ Marxuumiintaasi oo ku geeryooday iyaga iyo siyaasiyiin iyo dad kale oo badan Qarax ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho.
.
Maalintaan u madoobeyd bahda isboortiga ee Lagu Xasuusto ragii miisaanka culus ku lahaa isboortiga Soomaaliya Marxuum Wiish iyo Marxuum Mukaanbe ayaa bari oo ah 4 abriil 2016 waxa ay ku beegan tahay sanad guuradii 4.
.
Xasan Ibraahim Xaaji Aadan ‘Xasan Wiish’ Garsooraha Heerka Caalami ee kubada Cagta Soomaaliya ayaa ku tilmaamay maalin madoow 4 Abriil waxaana uu ALLE uga Baryay Marxuumiintii ku Geeryootay Maalintaasi oo uu ku jiray Dadkii ku Geerooday Aabihiis AUN Ibraahim Xaaji Yabaroow Wiish inuu naxariistii jano ka waraabiyo, ehelkii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Imaan uu ka siiyo.
.
Lama ilaawi karo doorkii shariifka ahaa ee ay ka qaateen Xiligii Burburka 2 halyeey Ibraahim Wiish iyo Saciid Mukaanbe waana mid taariikhdu xusi doonto
Waxaa Diyaariyay.
.
.
.
.

Axmed Maxamed Cabdulle ‘Uurdoox’
Uurdoox2013@gmail.com
_____________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment