2937 Views

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo caddeeyay in 10-ka bishan uu furmi doono Kalfadhiga 8aad

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo caddeeyay in 10-ka bishan uu furmi doono Kalfadhiga 8aad
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 4, 2016: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in 10-ka bishan April uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waqtigiisa ka harsan yahay mudada afarta bilood.

Gudoomiya ayaa sheegay in maalinta berri oo taariikhda ku beegan 5-ta bishan uu dhici doono kulankii koowaad ee Guddiyada joogtada Baarlamaanka, kaasoo lagu dejin doono qorshihii uu ku howl geli lahaa Baarlamaanka.

“Waxaa dhamaan Xubnaha Guddiyada joogtada ee golasha shacabka ku wargelinayaa inay ka soo qeyb galaan Fadhiga koowaad ee kalfadhiga 8aad oo ay 5-ta bishan April oo ah maalinta Talaadada ay ku yeelan doonaan xarunta Guddoonka, si ay u dejiyaan qorshihii uu ku howl geli lahaa Baarlamaanka”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay soo xaadiraan 10-ka bishan oo si rasmi ah u fumi doona kalfadhiga 8aad, waxaana uu xusay in Baarlamaanka uu u yaalo howlo culus.

“Waxaa ku wargelinayaa Xildhibaanada Baarlamaanka inay soo xaadiraan Kalfadhiga 8aad oo furmi doona 10-ka bishan, waxaa inoo yaala howlo culus, dhamaan shuruucda taala mid walba waxaa loo baahan yahay in la soo gunaanado, kuligoodna go’aan laga gaaro, ma jiri doono sharci golaha horyaala oo qabyo looga tagayo”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaankii soo xaadiri waayo kalfadhigan si toos loogu gudbin doono Guddiga anshaxa, si tallaabo loogaga qaado.

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa la rumeysan yahay inuu noqon doono kii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Federaalka ee la soo xulay 2012, waxaana bisha Agosto lagu wadaa in la soo xulo Baarlamaan cusub oo la rajeynayo inay ku yimaadaan rabitaanka maamul goboleedyada.

Lama oga habka loo xuli doono Barlamaanka soo socda balse waa laga war heli-doonaa.

 

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment