3405 Views

BAAQ KU SOCDA DHAMAAN UMADA SOMAALIYEED MEELKASTA OO AY JOOGTO.

____________________________________________________________________________

 

Somaalidu waxay tiraahdaa “DADXUME NINKII KU YIRAA, DADLAAWAA LAYIRAA”!!!

Sida aan wada og nahay Gobolada Somaaliyeed qaarkood waxaa ka Da’ay Roobab aan weli ku filnayn Baahida Shacabka, Laakiin waa bilow Naxariiseed oo laga helay Alla Xagiisa, waxaa iyagana biyo keenay Wabiyada Jubo iyo Shabeele, welina magaarin Gobolada qaar, laakiin waa Nimco bilow ah.

Waxaa weli TAAGAN ABAARIHII ka jiray Gobolada qaar, Shacab badan ayaa ku dhiban meelaha qaar, waxaa ku dhimanaya Xoolo badan, waxaa ku bara kacaya dad badan oo ay ku adag tahay in ay u GUURAAN Gobolo ka fog.

Hadaba Umada Somaaliyeed meelkasta oo ay joogto, waxaa laga CODSANAYAA in ay la gaaraan GAR GAAR deg deg ah, walaala hooda ku DHIBAN meelkasta oo ka mid ah dhulka Somaaliyeed, waana waajib saaran qof kasta oo Somaaliyeed ah.

Waxaan si gaar ah Codsi ugu diraynaa Hadaan nahay BAHDA QARANIMO-Website, dhamaan walaaha jooga QURBAHA iyo kuwa Alla siiyey DHAQAALAHA in ay muujiyaan dadaalo muhiim ah oo wax looga qabanayo in Gurmad lala gaaro Umada ay wax yeelada ka soo gaartay Abaabaraha BA’AN ee ka jira dalka.

Waxaan Aminsanahay in umada Somaaliyeed aysan u BAAHNAYN GAR GAAR SHISHEEYE, waayo anagaa isku filan hadii lala yimaado DAACADNIMO iyo isku Kalsoonaan Dhexdeena ah, waxaana la qaban karaa wax badan oo wax tar u leh umada, Sidii horay looga sooqabtay Abaarahii ka dhacay dalka sanadihii la soo dhafay.

Hadaan nahay Bahda Qaranimo waxaan si gaar ah u CODSANAYNAA in aan la SIYAASADEYN gar gaarka loo samaynayo Shacabka Somaaliyeed ee ku dhiban meelkasta oo ka mid ah dalka DHEXDIISA.

War iyo Dhamaan waxaan lee yahay walaalaha jooga Qurbaha mid ogaada in Gaajada iyo Biyo la’aantuba  ay yihiin CADOW aan lahayn meel looga BAXSADO, sida aan wada ognahay waxaan subax kasta CARUURTEENA waydiina NOOCA SIRIYAALKA ay Jecelyihiin, guri kastana waxaa laga helaa 2 ilaa 4 SIRIYAAL (Cereal) oo kala duwan, waxaana loogu tala galay in Canug kasta lagu Qanciyo nooca cuntada uu rabo, Laakiin ma is waydiinay CARUURTA kunool Meelaha ay ka jiraan ABAARAHA in ay san lahayn Qiyaar ay ku doortaan Cuntada ay rabaan, halka Wiilasha ama Gabadhaha aan dhalnay ee jooga LONDAON, TORONTO, MINEAPOLIS ama STOCKHOLM ay heystaan Qiyaar ay ku doortaan Cuntada ay rabaan, ogow in ay tahay Nimco Alla ku siiyey ee aan aad uga FIKIRNO CARUURTA aan lahayn Qiyaarka ee jooga Gobolada kala duwan ee dalka, hana lala soo gaaro wixii aad awoodaan.

Ugu dambeyn waxaan Alla waydiisanayaa isagaa Gacan wayne in uu Alla naga qaado Abaaraha taagan iyo wixii kale ee dhib ah ee ku soo socda Umada Somaaliyeed, aan badino BARYADA ALLE meel kasta oo aan joono, qof walbow ogow wixii aad la jeclaato Naftaada, waa waajib in aad la jeclaato walaalkaa, sida laga soo weriyey RASUULKA (SCW).

And (all of us, we must know and keep in mind there are many Children don’t have the right to Choice anything they want and they are part of our family members, and we must consider how much food from the left over of our KIDS that we put in the Garbage every morning and we must consider to consume our Grocery budget for the week, and for the sake of the needy $1 dollar can make a big difference to save for a life)!!!

God bless for our Nation

Qaranimo-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment