3888 Views

ROOB LAGU QABOWSADAY OO SAKAY AROORTII KA DA’AY MUQDISHO.

____________________________________________________________________________

 

 

Allaa Mahad leh, Saakay aroortii Roob lagu qabowasaday ayaa ka da’ay Muqdisho iyo Hareera heeda, iyadoo habeenkii Xalay uu jiray kuleel aad u daran oo dadka inta badan ay jiifteen Barxadaha banaan ee ku dhexyaal guryahooda.

Waxaa farxad laga dareemayey dadka Shacabka ah wajiyadooda, iyagoo mar walba u Mahad celinayey Allahii Qaboojiyey, kana qaaday boorkii ama Butii badnayd iyo wasaqdii taalay jidadka Xafadaha, inkastoo roobkani uu xafadaha qaar Biyo dhigay, taasina waxay dhib ku tahay bulshada qaar ee DANYARTA ah.

War iyo dhamaan Muqdisho iyo Hareeraheeda waa lagu Nimceystay, waxaana lagu jiraa jawi ay Hawadu iyo dhulkuba  qabow yihiin, Buskiina Alla daboolay oo hawadu ay Nadiif tahay.

Waxaa CALOOL XUMO iyo CIIL ah in markii uu da’o Roob yar wadooyinka Muqdisho qaar ka mid ah ay noqdaan WARRO Biyo GALEEN ah, Shacabkuna ay ku adagtahay in ay ku lugeeyaan Hareeraha wadooyinka, waayo Gawaarida ayaa ku FIRDHINAYA Biyaha Shacabka.

Wadooyinkan sida QALDAN loo Dayactiray, waxaa Masuuliyadeeda leh Dowladihii SIIYEY QANDARAASKA XAQDARADA ah Shirkadaha laga leeyahay DALKA TURKIGA, waxayna baa bi’iyeen dhamaan BULAACADIHII Biyaha qaadi jiray ee wadooyinka Muqdisho.

Ugu dambayn waxaan Rajaynayaa markii lahelo SHARCI iyo GARSOOR CADAALAD oo laysku HUBO in dib loola XISAABTAMO Shaqsiyaadkii ka dambayey in DHIB loo gaysto Nolosha shacabka, intii Horumar loo keeni lahaa Shacabka, waxaana ugu baaqayaa Garyaqaanada dalka ee  MUwaadiniinta ah in ay DIIWAAN geliyaan BOOBKA HANTIDA QARAN ee lagu bixinayo Qandaraasyada lagu Naas nuujinayo Shaqsiyaad gaar ah, waana in loo diyaar Garoobo intii Nool waqtiga lays Xisaabin doono, Hadii Alla idmo.

Qaranimo-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment