4455 Views

Ciidamada Dowlada oo la wareegay degmada Adan Yabaal

Ciidamada Dowlada oo la wareegay degmada Adan Yabaal
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 6, 2016: Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Ethiopia ee ka tirsan AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Adan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

La wareegida degmada Aadan Yabaal ayaan wax dhiig ah ku daadan iyadoo ciidamada isgabarsanaya ay dagaal la’aan kula wareegeen degmada waxayna fariisimo ka sameysteen daafaha magaalada Aadan Yabaal.

Aadan Yabaal oo ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay weli gacanta ku hayeen ururka Alshabaab in muddo ah.

Dagaalyahanada ayaa maalmihii la soo dhaafayba isaga baxayay degmadan iyagoo u jiheystey deegaano ku yaal xadka labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Ciidamo Ethiopian ah oo ka tirsan howlgalada AMISOM ayaa markii ugu horeysay waxa ay cagta soo dhigeen deegaano kamid ah gobolka Sh/dhexe, hase yeeshee waxa ay ciidamada Ethiopia hore u joogeen qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya oo weliba ay dhawaayeen Hiiraan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment