4170 Views

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo qarka u saran Aadan Yabaal

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo qarka u saran Aadan Yabaal
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 6, 2016: Ciidan ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qarka u saran inay la wareegaan degmada Aadan Yabaal, kadib markii ay halkaasi isaga carareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Maxamuud Sheekh Xasan Guddoomiyaha degmada Aadan Yabaal, oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellada Dhexe, waxaana ay ciidamada iminka howlgallo ka wadaan nawaaxiga degmada, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan Al-Shabaab.

Tan iyo markii ciidamada xoogga dalka ay bilaabeen howlgalo ka dhan ah haraadiga Al-Shabaab waxaa isa soo tarayay qasaaraha loo geysanayo firxadka Shabaab, iyadoo dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay lix ka tirsan horjoogayaasha Al-Shabaab ku dileen Janaale iyo leego oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo labo ka mid ah ay ahaayeen ajaanib u kala dhalatay dalalka Keny iyo Yamen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment